Taliyihii ciidanka booliska Puntland iyo ku-xigeenadiisa oo xil ka qaadis lagu sameeyey

gen Muxiyadiin

Madaxweynaha Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidanka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse, kaddib digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska loogu magacaabay Jen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare)

Cabdi Yarre oo ayaa soo noqdey Taliyaha Nabad-sugida Puntland [PIA] mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, wuxuu soo noqdey xiriiriyaha xafiisyadda sirdoonka maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Cali Sharmaake.

Dhanka kale, waxaa xilalka laga qaaday Taliye kuxigeenkii kowoaad ee Ciidanka Booliska Jen. Bile faarax Cali iyo Taliye kuxigeenka 3aad G/sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag), mana jirto cid lagu bedelay Taliye kuxigeenada xilalka laga qaaday.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Garoowe: 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here