Taliyihii saldhiga Cabdicasiis oo shaqada laga joojiyey iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday Elite Hotel

Hotel Elite

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada Cabdicasiis sababo la xiriira weerarkii 16-kii bishan lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale weerarkii loo xiray askartii ilaalada baraha kontorool ee degmada Cabdicasiis, sida uu sheegay taliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaqo ka joojinta taliyaha saldhigga iyo xariga askarta u xaqiijiyey wakaaladda Wararka SONNA.

Sida uu sheegay taliyaha, waxaa weli socda baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.

Habka fudud ee Al-Shabaab ay ku galeen hotelka oo ku yaalla mid ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan caasimadda, ayaa abuuray su’aalo badan oo ku saabsan sida uu kusoo gudbay baabuurkii qaraxa fuliyey.

Askarta dowladda ayaa marar badan qaladaad ay sameeyaan, ha ku yimaadaan dayac ama ku talo-galo, waxay horseedaan weeraro dhimasho badan.

Goor sii horreysay oo caawa ah ayaa guddiggii baarayey weerarkii xabsiga dhexe waxay soo gudbiyeen warbixin shaaca ka qaaday in hub la geliyey xabsiga dhexe, ayna ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ilaalada.

“Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto,” ayaa lagu yiri warbixintan baaritaanka.

Xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhacdadan loo xiray 27 qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 qof oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here