Talyaaniga oo Caabuqa Corona awgiis u xiray dhammaan Dugsiyada iyo Jaamacadaha

2019 nCoV2

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in albaabbada la isugu dhuftay dammaan xarumaha waxbarashada, si loo yareeyo saameynta Caabuqa Corona

Qorshaha lagu xiray Iskuullada iyo Jaamacadaha ku yaalla guud ahaan dalkaas, oo la damacsan yahay in ay xirnaadaan ilaa baratamaha bishan March, ayaa lagu soo warramay in looga hadlay shir ay madaxda dowladda yeesheen oo lagu shaacinayay xaaladda degdegga ah ee waddanka uu kula tacaalayo fiditaanka Caabuqa Corona.

Wasiirka Waxbarashada ee Talyaaniga, Lucia Azzolina, oo arrintan ka jawaabeysay ayaa xaqiijisay go’aankan – oo ay shaaciyeen Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee Ansa iyo warbaahin kale.

Talyaaniga ayaa ah waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan qaaradda Yurub oo soo tabiyay kiisaska ugu badan ee Caabuqa Corona, kuwaasoo durba gaaray boqollaal.

Mas’uuliyiinta ayaa soo rogay xayiraado dhinaca safarrada ah oo ku aaddan dhinaca waqooyi ee dalkaas, waxayna tallaabadaas saameysay kobocii dhaqaalaha, oo uu hoos u dhac ballaaran ku yimid.

.
Fagaaraha loo dalxiis tago ee magaalada Milan, Duomo square ayey maalmihii dambe ka yaraadeen dadka booqan jiray

Dhowr magaalo oo ku taalla waqooyiga Talyaaniga ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana inta badan aan dadka loo oggoleyn inay gudaha u galaan ama baxaan.

Arrintaas waxaa sabab u ah maadaama gobollada waqooyi ee Talyaaniga ay hoy u yihiin warshadaha.

Magaalada Lombardy oo kaliya waxaa ku yaalla 40% ka mid ah warshadaha Talyaaniga.

Magaalada Milan oo iyaduna sladhig u ah dhaqaalaha dalkaas ayaa laga dareemayaa cabsi badan oo laga qabo cudurkan, laakiin kuma jirto meelaha xayiraadda lagu soo rogay.

.

Hase yeeshee, haddii uu maalmo kasoo hormari lahaa xilliga uu Caabuqa Corona gaaray dalkaas, waxaa isbaddal weyn lagu sameyn lahaa qorshaha dhacdooyinka magaalada Milan.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay in tirada dadka Caabuqa Corona ugu dhintay dalkaas ay sare usii kacday.

107 ruux ayaa la xaqiijiyay in dalkaas ugu geeriyoodeen xanuunkan.

Saraakiisha talyaaniga waxay sheegeen in 2,706 qof oo dalkaas ku sugan laga helay Caabuqan – iyadoo dalkaas uu noqday midka ay saameynta ugu badan gaartay marka loo eego dhammaan dalalka kale ee Qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here