Tartanka qaadista miisaanka culus oo Muqdisho lagu qabtay

qaadis culeys

Magaalada Muqdisho waxaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyay tartanka qaadista miisaanka culus.

Tartankan waxaa ka qaybgalay dhawr iyo toban dhalinyaro ah kuwaasoo kamid ah dhalinta jirkooda dhisa ee taga xarumaha jirdhiska ee magaalada.

Kama dambeysta tartankaasi waxaa isugu soo hartay afar wiil oo qaadista miisaanka culus ka bilaabay 140kg wuxuna qofkii ugu dambeeyay ee guuleysta uu qaaday 165kg.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibrahim Maxamad Aadan oo goobjoog u ahaa gebagabada tartankaasi ayaa ku soo warramaya in tartankan uu ahaa mid xiise leh.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Tartanku waxa uu socday muddo labo maalmood ah kaas oo awoodooda wax qaadista ay ku soo bandhigeen 12 dhalinyaro ah oo mudooyinkii dambe ku hawllanaa sidii ay jirkooda u dhisi lahaayeen.

Maalintii koowaadba waxa tartanka ka haray 8 tartame, waxana kamadambeysta isugu soo haray afar kaliya, oo kala ahaa Maxamed Cabdirashiid Maxamed oo uu culeyskiisu yahay 78kg, Cabdifitaax Cabdillahi Cali oo yahay 83kg, halka Cabdullaahi Xasan Maxamed 71kg iyo Cabdicasiis Maxamed Sabriye oo culeyskiisu yahay 75kg.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Maxamad Cabdirashiid ayaana aakhirkii noqday guuleystaha tartanka isagoo la siiyay abaal marin lacageed iyo borootiinada jirka lagu dhiso.

“Runtii dedaal badan ayaan soo sameeyay iyo in badan oo aan soo tababaranayay, maanta runtii waan arkaa faa’iidada natiijada waanan ku faraxsanahay boqolkiiba boqol oo aan bilowgii horaba aaminsanaa.” ayuu yiri Maxamed Cabdirashiid.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Mar la waydiiyay sida ay ku dhacday in halmar dhulka laga rujiyo oo kor looqaado 165kg ayuu Maxamed waxa uu ku jawaabay “Waa dedaal aan soo waday muddo afar sanadood ah, maantana waxaan awood u yeeshay inaan dadka hortooda ku soo bandhigo ileen wax aan shalay bilaabay ma ahan oo afar sanadood halkan kama dhawa runtii waa dedaal badan oo aan soo waday.”

“Runtii maanta 165kg waaye laakiin bilaha soo socda insha Allaah hadafkeygu waa inaan gaarsiiyo 200kg ilaa 220kg.” ayuu ku daray Maxamed.

Muqdisho
Dad u soo daawasho tagay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Cabdifitaax Cabdillaahi ayaa isna kaalinta labaad ee tartanka ku soo baxay waxana la gudoonsiiyay lacago kaash ah.

“Laba sanadood ayaan tababar waday laakiin muddo hal bil ah ayaan dedaalaayay oo aan tartankan isku diyaarinaayay haddana kaalin fiican ayaan galay, waanan ku faraxsanahay kaalinta aan hadda gaaray,” ayuu yiri Cabdifitaax Cabdillaahi.

Muqdisho
Garsoorayasha tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Maxamed Axmed, madaxa mac-hadka jirdhiska ee City oo tartankan qabtay ayaa BBC-da u sheegay in hadafkoodu ahaa in dhalinta jirkooda dhisa la muujiyo kaalintooda, mustaqbalkana loo diyaariyo inay tartamo kale ka qeybgalaan.

“Muhiimaddu waxay aheyd in dhalinyarada dhigta xarumaha jirdhiska inay helaan meel ay ku soo bandhigi karaan xirfadooda iyo qaab hufan oo ay medadaalo u heli karaan,” ayuu yiri Maxamed Axmed.

“Caqabado badan ayaan la kulannay qaar badan oo waddooyin inoo furayna way jiraan, oo iskudubaridka markii aan howshan qaban qaabinaynay dadka qaar waxa ay u arkayeen in aan sameynayno wax aan micno lahayn, laakiin alxamdulillaah hadda waxaan helnay taageero badan.” ayuu ku daray Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here