Theresa May oo si kulul u cambaareysay madaxweyne Trump

trum iyo theresa may

Ra’isalwasaaraha Britain Theresa May ayaa cambaareysay hadalka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu haweenka ka tirsan aqalka Koongreska Mareykanaka oo aan ahayn caddaan uu ku yiri ‘Dib u laabto’.

Raisalwasaraaha Britain ee xilka ka sii tageyso ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay ‘mid aan la qabali karin’, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Mrs May.

Madaxweyne Trump waxaa uu yiri haweenka “asal ahaan ka soo jeedo waddama baaba’ ah oo ay dowlado ka jirin”.

Wuxuuna madaxweynaha hadalkaasi uu ula jeeday afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo ay seddex ka mid ah ay ku dhahseen Mareykanka midda afaraadna ay Mareykanka tagtay iyada oo 12 jir ah.

Hadalka Trump oo camaareyn kulul caalamka looga soo jeediyey ayaa lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay, hadalka cusub ee ka soo yeerayna uu yahay hadalladi cunsuriyadda ee horay looga bartay mid ka duwan.

Musharraxa Madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad, halka uu xubinka matalaya xisbiga jamhuuriga uu Trump uu ka soo jeedo uu ka gaabsaday.

Iyada oo uu taagan yahay hadalka cunsuriyadda ee Madaxweyna Trump ayuu Subaxnimada Isniintana haddana Tweetarkiisa ku soo qoray iney haweenkaasi raalli gelin bixiyaan.

Haweenka aqalka Koongresska mareykanka ka tirsan uu weeraray madaxweyne trump waxay kala yihiin Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley oo ku dhashay Mareykanka iyo lhaan Cumar oo Sooaamli ah, oo Mareykanka qoxootinimo ku tagtay iyada oo 12 jir ah, haweenkaasi oo kulligood matalaya xisbiga Dimuqraadiga.

Ms Ocasico-Cortez waxay ku dhalatay Bronx oo New York ka tirsan, halka ay ku dhalatay 12 maayl u jirto Isbitaalka Queen oo ah halka uu madaxweyne Trump ku dhashay.

Mrs May ayaa bishi June Ra’isal wasaaranimada Britain iska casishay kaddib marki uu baarlamaanka Ingiriiska uu ka hor istaagay inuu u meel mariyo heshiiska ka bixitaanka midowqga yurub.

Laba Musharraxa oo ka soo jeedda xisbiga muxaafidka ayaa haatan loollan adag ugu jirto sidi ay u beddeli lahaayeen ra’sal wasaaraha xilka iska casishay.

Muxuu yiri madaxweyne Trump?

Saddex qoraal oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Falcelin noocee ayaa ka dhalatay hadalka Trump?

Koox haween ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si caro leh uga jawaabay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu sheegay in afartan xubnood ay tahay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Ms Pelosi qoraalka Trump waxay ku tilmaantay ‘Isir neceyb’

Boggeeda Tweetarka waxay ku qortay “Donald Trump afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo uu yiri dalkooda ha ku laabtaana, iyada oo hadalkiisa xillligi ololaha doorashada uu ahaa “Mareykanka waxaan doonayaa inaan markale kale ka dhigo ka dunida ugu awoodda badan” ma aha laba iskeeneyso balse wuxuu doonayaa inuu Mareykanka uu ka dhigo dal ay markale caddaanka oo keli ah leeyihiin. Kala duwanaashaheenna waa adkaashaheenna, midnimadeennuna awood ayey noo yeeleysaa.”

Ms Talib oo ka tirsan aqalka koongresska oo laga soo doorto degmada 13aad ee Michigan, waxay Tweetarkeeda ku soo qortay iyada oo Mr Trump u jawaabeyso “Waxaan doonayaa inaan u jawaabo ficillada sharci darrada iyo guuldaradda madaxweynaha? Halis ayuu ku jiraa, Fikirkiisa aadka u liita ayuuna halis kala kulmayaa, wuxuuna u baahan yahay in la joojiyo.”

Ms Ocasio-Cortez waxay iyaduna boggeeda Tweetarka ku soo qortay: “Haddii uu ixtiraami waayey dadka Mareykanka ee na doortay, annaguna ma aqbaleyno mana kaa cabsaneyso.”

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Justin Amash oo si weyn uga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa hadalka madaxweyne trump ku tilmaamay cunsuriyad iyo wax lagu qoslo.

Mr Trump farriimahiisa Tweetarka uu ku weeraray haween ka tirsan Congress-ka ku eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here