TikTok: Maxay tahay sababta Trump uu Mareykanka uga mamnucaya?

trump

Madaxaweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo. Waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxeexayo amar sare oo khadka looga saarayo barta.

Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka cabsiqaba in App-kan oo ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan.

TikTok ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha ah in dowladda Shiinaha ay maamusho amaba ay la wadaagto maaculmaad la xiriira dadka Mareykanka.

App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance.

Hase yeeshee weli macadda xilliga iyo sida loo dhaqan gelinayo mamnuucidda TikTok iyo caqabadaha sharciyan soo wajihi karo maamulka Trump.

Waxaa jiray warar sheegayay in shirkadda Microsoft ay dooneysay iney TikTok ka iibsato shirkadda ByteDance, balse Mr Trump ayaa u muuqda inuu shaki gelinaya in heshiis noocaasi ah uu dhaco.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa ganafka ku dhuftay inuu ka jawaabo mamnuucidda Trump ee App-ka laakinse waxa uu warbaahintu u sheegay in shirkadda ay ku kalsoontahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa iney Mareykanka ka helaan macaamiil badan.

Tallaabadan lagu mamnuucayo TikTok ayaa imaneysa xilli uu sii adkaanayo xiriirka u dhaxeeya maamulka Trump iyo dowladda Shiinaha iyagoo isku haya qodobo dhowr ah oo ay ay ka mid yihiin khilaafka dhanka ganacsiga iyo dilaacidda fayraska corona.

Waa maxay TikTok?

TikTok ayaa ah app ama barnaamij uu qofku si bilaash ah u adeegsan karo, waxaana TikTok lagu macneeyaa inuu yahay YouTube yar.

Dadka isticmaala App-ka TikTok waxay ku soo bandhigi karaan muuqaal aan hal daqiiqo ka badneyn, dadka isticmaalana waxayapp-kaasi ka heli karaan codad ku keysdan oo ay muuqaalladooda ama farriimahooda ku lifaaqi karaan.

Muuqaallada majaajillada iyo farriimaha qoraalka ah ee gaagaaban ayey sidoo kale dadka isticmaala app-kan TikTok soo dhigi karaan.

Qofka TikTok isticmaala marka uu helo 1,000 qof oo bartiisa ku xiran, wuxuu barnaamijku u oggolaanayaa inuu barnaamijyo toos ah uu la wadaago taageerayaashiisa isl-markaana uu aqbalo hadiyado digital ah oo uu lacag ku beddelan karo.

Top 10 countries for TikTok downloads. Millions of downloads.  Estimates based on downloads from Apple Store and Google Play and for Douyin in China.

App-ka TikTok wuxuu soo bandhigaa dhammaan muuqaallada ay dadka isticmaalo iyo dadka ku xiran soo dhigaan iyo waxyaabaha app-ka uu muhiim u arko inuu markale qofka daawada ama u soo celiyo.

Sida oo kale barnaamijkan wuxuu dadka isticmaala u oggolaanayaa iney farriimo isweydaarsadaan..

TikTok iyo Shiinaha maxaa loo xiriiriyey?

TikTok wuxuu ku howlgalay afar App oo kala duwan.

Zhang Yiming
Qoraalka sawirka,Aasaasaha ByteDance’s Zhang Yiming ayuu Forbes ku tilmaamay ninka ugu taajirsan Shiinaha

Barnaamijka ugu horreeyey wuxuu ahaa Musical.ly, oo Mareykanka uu sii daayey 2014-kii. Sidoo kale, 2016-kina Shirkadda technooloojiyadda ugu weyn Shiinaha ee Bytedance wuxuu dalka Shiinaha ka bixiyaa adeeg la mid ah oo loo yaqaanno Douyin.

Bytedance ayaa caalamka intiisa kale ku baahay waxaana loo bixiyay magaca ah TikTok.

Sannadkii 2018-kii Bytedance waxay iibsatay shirkaddii Musical.ly, iyada oo ku dartay howlaha barnaamijka TikTok uu qabto.

Toutiao
Qoraalka sawirka,Toutiao wuxuu ka mid yahay barta ugu weyn ee wararka laga helo dalkaasi Shiinaha

Bytedance waxay isku dayday in ay iska fogeyso in dowladda Shiinaha ay leedahay shirkadda, waxaana agaasimihii hore, ee shirkadda Disney, Kevin Mayer, u magacaabay agaasimaha guud ee TikTok.

Xog intee dhan ayuu TikTok keydiyaa?

TikTok macluumaad aad u badan ayuu ka uruuriyey dadka isticmaala barta, waxaana xogahaas ka mid ah:

  • Muuqaallada ay daawadeen iyo fikirka ay ka dhiibteen
  • Xogta ku saabsan goobta uu qofka joogo
  • Nooca taleefanka iyo inta uu barnaamijka isticmaalo
  • Muusikada ay adeegsadaan marka ay farriimahooda qorayaan

Qaar ka mid ah xog uruurinta barnaamijka ayaa kor u qaaday soo jiidashada, waxaana dhowaan lagu soo daray koobbiyeeynta iyo gudbinta farriimaha ay dadku wadaagaan.

Balse waxay arrintan saameyn ku yeelatay app-kan kuwo la mid ah sida Reddit, Linkedin, New York Times iyo BBC News app.

Xogaha uu uruuriyey TikTok ayaa u dhigma mid la mid xogta ay keydiso barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Si kastaba, Xafiiska Wakiilka Macluumaadka iyo Siraha UK ayaa sheegay inuu barnaamijkan baaritaan ku wado.

Shiinaha TikTok ma u adeegsadaa inuu dadku ku basaaso?

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa TikTok ku eedeeyey in dadka isticmaalo qy xogtooda khatar ku jirta ayna “xisbiga Hantiwadaagga Shiinaha uu u dhaco si uu xogtaas u qaato”.

TikTok wuxuu marar badan ku dooday in xogta lagu keydiyo meel Shiinaha ka baxsan.

“Soo jeedinta iyo eedda dowladda Shiinaha ka dhanka ah, gabi ahaanteedaba waa khalad, waana been abuur,” ayuu yiri Theo Bertam oo ah madaxa arrimaha siyaasadda TikTok ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika oo BBC u waramay.

India app

Balse, sida shirkadda Huawei, doodaha ka dhanka ah TikTok waxay u muuqdaan in ay salka ku hayaan suurtagalnimada aragtida dowladda Shiinaha ee ku qasbeysa in Bytedance ay maamullada maxalliga ah ku wareejiso xogta isticmaaleyaasha shisheeye ama ajaaniibta ah.

Sannadkii 2017-kii, Sharciga amniga qaranka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta iyo hay’ada dalkaasi Shiinaha ugu baaqay iney “taageeraan iyo in ay gacanna siiyaan, ayna la shaqeeyaan howlaha laamaha ammaanka qaranka ay wadaan,” si waafaqsan sharcigaasi.

Mr Bertam wuxuu sheegay in TikTok aysan dowladda Shiinaha wax xiriir ah la lahayn, “Haddiise ay naga codsato xog ama macluumaad ku saabsan dadka isticmaalo waxaan leennahay maya,” ayuu yiri.

Balse ByteDance waxay maskaxda ku haysaa cawaaqibta ka dhalan karta in dacaayad laga faafiyo Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha maamula.

App-ka caanka ah ee loo yaqaanno Toutiao ayaa 24 saacadood hawada laga saaray sannadkii 2017-kii, sida uu sheegay wargeyska South China Morning Post, ka dib marki uu xafiiska xogaha internet-ka ee Beijing uu sheegay inuu baahiyo “muuqallo anshax xumo ah iyo waxyaabo aan wanaagsanayn”.

Amarrada tooska ah ee uga yimaadda madaxa sirdoonka ugu sarreeya dalka Shiinaha oo la diido cawaaqib xumo ayaa uga iman karta shirkadda madaxdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here