Tirada diyaaradaha 50-kii sano ee la soo dhaafay gantaalka lagu dhuftay

burbur ukraine international

Dowladda Iran ayaa sabtidii lasoo dhaafay sheegtay in ciidankeeda ay si kama ah usoo rideen diyaaradda Ukraine Airline oo kusii jeeday magaalada Kiev, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Diyaaradan oo gantaal uu ku dhacay 8 January 2020, waxaa ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo tiradoodu gaareyso 176 qof.

Sheegashada Iran ayaa timid maalin un ka dib markii madaxa hey’adda duulimaadyada rayidka ee Iran uu beeniyay in diyaaradaas uu soo riday gantaal ay ciidanka Iran ku tuureen.

Diyaaradda ayaa dhacday saacado ka dib markii Iran ay duqeysya saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Ciraaq, weeraradaas oo ay sheegeen in ay ugu aargudayeen dilka Qaasim Suleymaani oo madax ka ahaa ciidanka Qudus.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbineyenaa diyaaradihii la soo riday 50-kii sano ee lasoo dhaafay – AFP.

Luulyo 17, 2014: Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Malaysia Airlines oo sumadeedu ahayd MH17 ayaa lagu soo riday dhulka uu mucaaradka heysta ee bariga dalka Ukraine, waxaana xilligaas ay kusii jeeday caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur. Waxay diyaaraddaas ka duushay magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Dhammaan dadkii saarnaa diyaaradaas oo ay tiradoodu gaareyso 298 ayaa dhintay, waxaana dadkii dhintay ka mid ahaa 193 qof oo u dhashay dalka Netherlands.

.

Maarso 23, 2007: Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Belarus ayaa la soo riday waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Diyaaradaas waxaa ku dhintay 11 qof, waxaana saarnaa injineero u dhashay dalka Belarus oo Muqdisho u tegay si ay u cilad bixiyaan diyaarad kale oo iyaduna gantaal lagu dhuftay laba toddobaad kahor xilligaas.

Octoobar 4, 2001: 78 qof oo inta badan ahaa muwaadiniin u dhashay Israa’iil ayaa la dilay, ka dib markii diyaarad ay ku safrayeen oo lagu magacaabay Siberia Airlines, oo ka duushay magaalada Tel Aviv, ay hawad ku qaraxday xilli ay mareysay badda madow. Waxay diyaaraddaas ku sii jeeday Novosibirsk.

Toddobaad ka dib xukuumadda Kiev waxaa ay sheegtay in si khaldan uu ugu dhacay gantaal ay rideen ciidamada dalka Ukraine. Diyaaradda waxay mareysay meel 300 oo kilomitir u jirta xeebaha Crimea.

Luulyo 3, 1988: Diyaarad nooceedu ahaa Airbus A-300 oo ay lahayd Iran, kana duushay magaalada Bandar Abbas ee dalka Iran, ayaa soo dhacday ka dib markii uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidamada Mareykanka oo xilligaas ku sugnaa marinka Hormuz. Waxay diyaaraddaas ku sii jeeday Dubai.

Ciidamada Mareykanka ayaa mooday in ay ahayad diyaarad dagaal, waxaana ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay 290 qof.

Dowladda Mareykanka ayaa Iran siisay lacag magdhaw ah oo gareysa 101 milyan oo doolar.

.

Sabtembar 1, 1983: Diyaarad nooceedu yahay Boeing 747 oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada ee Korean Air waxaa soo riday diyaarad dagaal oo ay lahayeen midowgii soviet.

Diyaaradan waxay ku dhacday jasiiradda Sakhalin, waxaana ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo tiradoodi gaareysay 269 qof.

Saraakiishii midowgii Soviet ayaa shan cisho ka dib qirtay in ay soo rideen diyaaradaas.

Febraayo 21, 1973: Diyaarad duulimaad oo ay lahayd Dowladda Libya, oo nooceedu ahaa Boeing 727, kana duushay magaalada Tripoli, ayaa saxaraha Sinai ku burburtay, ka dib markii ay soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil. Diyaaraddaas waxay ku sii jeeday magaalada Qaahira

Diyaaradan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa, waxaana la bartilmaameedsaday ka dib markii ay ku dul duushay diyaard kale oo milateri oo mareysay Sinai.

Dowladda Israa’iil waxay sheegtay in ay duqeeyeen diyaaradaas ka dib markii ay diiday in ay dagto, waxaana ay ku qaldeen diyaar dagaal oo ay moodeen in ay soo weerartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here