Trump: “Codawgeyga siyaasadeed waan ka guuleystay”

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayey guusha raacday kaddib marki maalin ka hor qorshihi xil ka qaadista la laalay, hadal uu aqal cad uu ka jeediyeyna uu ka sheegay guushaasi iney tahay mid uu ka guuleystay cadowga siyaasadeed uu leeyahay.

“waxyaabo qaldan oo aan sameeyay nolashayda ayaa jira, waana qiranaya…balse natiijada kama dambeysta ah waa sidan,” ayuu yiri isaga oo kor u haya jaraa’id cinwaan looga dhigay ”Trump oo ka badbaaday xil ka qaadis”.

“Si cadaalad dari ah ayaa noola bartilmaamedsaday, wax khalad ah oo aan sameynayna majirto”, ayuu yiri isaga oo ku sugan aqalka cad.

Mar sii horreysayn ayuu u dhaleeceeyay khiyaanada xilka ka qaadista cadawtinimadiisa ku aadan ciribtirka diintooda.

“waa talaabo qurux badan.uma maleynaynin inay sidan u wanagsanaanayso,” ayuu yiri xili warbaahinta la hadlayay goobtana ay ku sugnaayeen taageerayaashiisa iyo golahiisa wasiirrada.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo ku sugan aqalka cad xilli uu Mr Trump khudbeynayey
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo ku sugan aqalka cad xilli uu Mr Trump khudbeynayey

Mr Trump waxaa xilka ka qaaday aqalka kongreeska bishi December kadib markii lagu eedeyay in uu awoodisa ku takrifalay iyo inuu kasoo hor muuqan wayay aqalka kongreeska, balse maalinkii arbacada ayuu ka badbaaday xil ka qaadis kadib labo isbuuc, oo dhagaysi dhacwadiisa ah ay ka socotay Aqalka Senetka oo ay ku badan yihiin xildhibaanada xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa 52 waxay u codeeyeen in uusan wax dembi ah gelin, halka 48 xildhibaan oo u badan xisbiga dimuqraadigana ay u codeeyeen in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga, xilkana laga qaado.

Waxaa uuna Madaxweyne Trump sadaaliyay in xildhibaanada dimuqradiyiinta ay mar labaad xilka ka xayuubini karaan hadii u dambi yar galo.

Mr Trump wuxuu u mahad celiyey qareenkiisa iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee labada aqal ka tirsan
Mr Trump wuxuu u mahad celiyey qareenkiisa iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee labada aqal ka tirsan

Madaxweyne Donald Trump oo markale doonayo in uu u tartamo doorashada xigta ee dhammaadka sanadkan ka dhic doonta Mareykanka ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha loo jeediyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu madaxweynaha diiradda saari doonaa sidii uu hawlaha Qaranka uga shaqeyn lahaa.

“Wax matarayaasha Dimquraadiga waa ay ogyihiin in aysan iga adkaan karin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here