Trump: Eeg Hindiya, waa wasakh, hawadu waa wasakh

trump

Barta Twitter-ka dalka Hindiya waxaa laga hadal hayaa arrin uu MadaxweyneTrump sheegay intii ay socotay doodda madaxtinnimada Mareykanka, mar uu ka hadlayay isbeddelka cimilada.

“Eeg Hindiya, waa wasakh… hawadu waa wasakh,” ayuu yiri madaxweynaha.

Xulashada erayada iyo sida uu u yiri ayaa caro ka abuuray baraha bulshada Hindiya.

Dadka Hindiya ayaa ka careysan in madaxweyne saaxiib dhow la ah dalkaas, uu hadalkaasi ka sheego dood laga daawanayay daafaha dunida.

Balse, sida ay dadka kale sheegeen, hadalka madaxweynuhu waa run. Heerka wasakhowga hawada ee Hindiya ayaa aad u sarreeya.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump weeraro Hindiya. Waxay u tahay caado inuu cambaareeyo dalalka ajaanibta ah marka uu ka hadlayo ajandihiisa Mareykanka ayaa Kow ah, inkastoo uu mararka qaar ammaano.

Hadalka Trump lama filayo inuu dhaawaco xiriirka dhow eek a dhaxeeya isaga iyo Ra`iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Balse xilliga uu ku soo aaday hadalkiisa ayaa ah xilli aan habbooneyn.

Maalmo yar kaddib, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ka degi doona Delhi si uu wada hadallo ula yeesho madaxda dalkaas.

Dhan wuxuu Mareykanku ka cabanayaa hawada wasakheysan ee Hindiya, dhanka kalena wuxuu dunida u marayaa sidii uu u xoojin lahaa xiriirka uu Hindiya la leeyahay, toddobaad uun kahor doorashada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here