Trump: Mareykanka waxuu weerari doonaa 52 goobood oo Iran laf-dhabar u ah

trump2

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Iiraan ugu hanjabay in Mareykanku uu qaadi doono weeraro lagu bartilmaameedsanayo 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba “si dhakhsiya oo adag”.

Hadalka Trump ayaa daba-socda dilkii uu Mareykanka u gaystay Janaraal Qaasim Sulaymaani iyadoona Iiraan ay wacad ku martay inay ninkaasi u aargudi doonto.

Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in Iiraan ay si adag u hadlayso oo ay bartilmaameedsan doonto goobo gaar oo muhiim u ah Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu soo ogaaday 52 goobood oo qaarkood ay aad muhiim ugu yihiin Iiraan iyo dhaqanka Iiraaniyiintuba, kuwaas oo si dhakhsiya ah oo adag loo weerari doono, waa haddii ay xukuumadda Tahraan weerarto Mareykanka.

”Mareykanka ma doonayo caga jugleyn dambe” ayuu Trump intaasi ku sii daray.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa sidoo kale sheegay in 52-daasi goobood ay matali doonaan 52 qof ee reer Mareykan oo Iiraan muddo sannad ah u afduubnaa dhammaadkii 1979-kii, kaddib markii laga soo qabtay safaaradda Mareykanka ee Tahraan.

Qoraalka Twitter-ka uu soo dhigay Trump, ayaa sidoo kale ku soo aadaya saacado ka hor gantaaladii lagu bartilmaameedsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka ee caasimadda Ciraaq ee Baqdaad iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka.

Inkastoo milateriga Ciraaq ay sheegeen ineysan jiran cid ay waxyeello ka oo gaartay weerarkaasi haddana ma jirto ilaa haatan cid sheegatay inay ka dambeysay weeraradaasi, balse xoogagga taabacsan Iiraan ayaa lagu eedeeynayay inay ka dambeyeen weerarradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.

Maxay tahay sababta uu Mareykanka u dilay Sulaymaani?

62 jirkan hogaaminayay ciidammada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iiraan, marka laga soo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareysa dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Qaasim Suleeymaan
Sulaymaani ayaa waxaa loo arkayay shakhsiga labaad ee ugu awoodda badan Iiraan

Waxa uu hogaaminayay howlgallada Iran ee Bariga dhexe isagoo madax u ahaa xoogagga Qudus. Sidoo kale waxa uu Iran u ahaa halyeey qaran balse balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Trump ayaa Jimcihii sheegay in Sulaymaani uu qorsheynayay weerarro dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Ciraaq kaddib dilkii qandaraaslihii Mareykanka iyo weerarkii safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Sulaymaani
Mid ka mid ah gabadha uu dhalay Sulaymaani ayaa madaxweyne Rowxaani weydiisay goorta aabeheed loo aargudayo

Janaraal Qaasim Sulaymaani ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku rideen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxa uuna Trump sheegay in Mareykanku uu u dilay Sulaymaani, si “uu u joojiyo dagaal, ee uusan doonayn inuu mid bilaabo”.

Hogaamiyaha Maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in “aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, iyadoona dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Javad Zarif, weerarkaasi ku tilmaamay “Ficil argagixiso caalami ah”. Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale u baroor-diiqayay geeridii Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyaha ururka Kataa’ib Xisbullaah oo ay Iiraan baritaarto.

Sulaymaani
Baroor diiqyada magaalada Karbala loogu sameeynayay Qassem Soleimani iyo Abu Mahdi al-Muhandis

Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in ururkaasi ay cidaammada ammaanka ee Ciraaq ay uga digeen “Iney gabi ahaanba ka fogaadaan xarumaha Mareykanka laga bilaabo galabka Axadda ah”, sidaasi waxaa soo weriyay Telefishinka al-Mayaadiin.

Mareykanka oo ka jawaab celinaya hanjabaaddii Iiraan ee aargoosiga ayaa waxa uu 3,000 oo ciidan ah u diray Bariga Dhexe iyadoo sidoo kalena ay muwaadiniintooda ku boorriyeen iney isaga baxaan dalkaasi Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here