Trump oo booqasho kedis ah ku tegay Afghanistan

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho aan la sii shaacin ugu tagay ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee uu dalkaasi ku tago tan iyo intii uu xilka la wareegay sanadkii 2017.

Booqashadan oo ahayd mid mahadcelin ah ayaa imaaneysa toddobaad kaddib markii maxaabiis isdhaafsi lala yeeshay Taliban taasoo looga gol leeyahay soo celinta wada hadallada nabadda.

“Taliban waxay doonayaan inay heshiis galaan,” Mr Trump ayaa sidaasi ciidamada Mareykanka ugu sheegay saldhigga Bagram.

Mr Trump, oo sidoo kale la kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa sheegay in Mareykanku “uu si weyn” u yareynayo tirada cidamada ka jooga Afghanistan, balse faahfaahin kama uusan bixin.

Ilaa 13,000 oo ciidan Mareykan ah ayaa ku sugan Afghanistan, 18 kaddib markii uu Mareykanku galay dalkaasi kaddib weerarkii 11 September ee sanadkii 2001, waana muddadii ugu dheereyd ee uu Mareykanku dagaal galo.

wada hadallada lala galay Taliban ayaa burburay bishii September, kaddib markii madaxweyne Trump uu ku casuumay saraakiil sarsare oo Taliban ah iyo madaxweyne Ghani inay ku kulmaan dhismaha madaxweynuhu leeyahay ee Camp David, oo u dhow Washington DC.

“Waynu la kulmeynaa iyaga [Taliban] waxaana u sheegeynaa in heshiisku noqo xabbad-joojin ma aysan dooneyn inay xabbad-joojin sameeyaan balse haatan way doonayaan, sidaan rumeysnahay,” ayuu yiri Mr Trump.”

Horraantii bishan, Taliban ayaa sii deysay labo aqoon-yahan oo reer-galbeedka u dhashay kuwaasoo ay afduub u haysteen tan iyo sanadkii 2016 – Kevin King oo Mareykanka u dhashay iyo Timothy Weeks oo Australia u dhashay – iyagoo ku beddeshay saddex maxaabiis oo ka xirnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here