Trump oo dalbaday in la dadajiyo dacwadda ku saabsan xil ka qaadistiisa

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalbaday in si deg deg ah aqalka sare ee Senate-ka looga billaabo dacwadda la xiriirta go’aankii ay xilka uga xayuubiyeen Aqalka Wakiillada ee Congress-ka.

Hase ahaatee, waxaa hadda taagan ismari-waa ku aaddan xilliga la billaabayo kiiskaas, kaasoo u dhaxeeya siyaasiyiinta labada xisbi ee Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga.

Maalintii Arbacada, Aqalka Wakiillada ayaa xilka ka xayuubiyay Mr Trump, waxayna kusoo oogeen dacwado salka ku haya inuu ku xadgudbay awoodda iyo inuu sharciga ka tallaabsaday, uuna ka horyimid Golaha Wakiillada.

Laakiin Dimuqraaddiyiintu waxay diideen inay sii wadaan howsha, iyagoo ku doodaya in Jamhuuriga, oo Senate-ka aqlabiyad ku leh ay diideen markhaatiyaasha islamarkaana aysan sameyn doonin dacwad caddaalad ah.

Tirada xildhibaannada Aqalka Senate-ka ayaa ka dhigan in Mr Trump sida ay u badan tahay hubo in dacwaddiisa la iska laali doono.

Howsha la xiriirta mooshinka xil ka qaadista Trump ayaa noqotay mid si weyn xasaasi u ah oo ay gabi ahaanba ku kala qeybsameen xisbiyada.

Labad nooc ee dacwadaha Arbacadii lagu soo oogay Trump ayaa daba socday eedeymo madaxweynaha loogu jeediyay inuu dowladda Ukraine ku cadaadinayay inay baaritaan musuqmaasuq la xiriira ku sameyso siyaasiga xisbiga Dimuqraaddiga ee ay sida weyn u loollamaan Trump ee lagu magacaabo Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter.

Waxaa kale oo Mr Trump lagu heystaa inuu markaas ka dib ku gacan seyray wadashaqeynta la xiriirta baaritaankii ay arrintaas ku sameynayeen xildhibaannada Congress-ka.

Muxuu yahay ismariwaaga la xiriira dacwadda ka dhanka ah Trump?

Si ay howshu u socoto, Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan xisbiga Dimuqraaddigu waa inuu dacwaddiisa la xiriirta mooshinka xilka looga qaaday Trump u gudbiyo Senate-ka.

Hase yeeshee, afhayeenka aqalkaas Nancy Pelosi waxay diiddan tahay inay tallaabadaas qaaddo ilaa inta ay xeerarka ay adeegsanayaan Senate-ku noqdaan kuwo ay aqbali karaan Dimuqraaddigu.

Mitch McConnell, oo ah hoggaamiyaha Aqalka Senate-ka, ee kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa go’aan ka gaari doona sida loo qaadayo dacwadda ka dhanka ah Trump, Dimuqraaddiyiintuna waxay ka doonayaan inuu faahfaahiyo markhaatiyaasha uu adeegsan doono iyo nooca uu noqon doono markhaati furka la aqbali karo.

“Wuu diiday inuu ciyaaro kubadda. Wali waan ismari la’nahay”, ayuu yiri ka dib markii uu shir kooban la qaatay hoggaamiyaha tirada laga badan yahay ee Senate-ka ugu jirta xisbiga Dimuqraaddiga, Chuck Schumer.

Mr McConnell ayaa heysta tirada badan. Xisbiga jamhuuriga ee uu Trump ka socdo waxay Senate-ka oo 100 xubnood ka kooban ku leeyihiin 53.

In la ansixiyo tallaabada xilka looga xayuubiyay madaxweyne Trump waxay u baahan tahay inay oggolaadaan saddex meelood labo meel oo ka mid ah xildhibaannada Senate-ka.

Dimuqraaddiyiinta ayaa sida muuqata u baahan inay taageero ka helaan 20 xildhibaan oo kasoo jeedda xisbiga madaxweynaha, waana sida kaliya ee ay ku suurtagali karto in Trump xilka laga tuuro, oo xabsi loo diro.

Mr McConnell ayaa mooshinka xilka looga qaadayo Trump ku tilmaamay “kii ugu dhakhsada badnaa, muddada ugu gaaban socday, oo caddaalad darro ku dhisan”.

Siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ayaa doonaya inay Trump ku markhaati furaan ugu yaraan 4 ka mid ah shaqalaha ka howlgala Aqalka Cad ama kuwii horay uga shaqeyn jiray, ee og arrinta la xiriirta Ukraine.

Waxay ku doodayaan in dacwaddu ay caddaalad noqoto, xildhibaannada Senate-kuna ay dhexdhexaad noqdaan.

Balse afhayeenka Aqalkaas ayaan u muuqanin mid uu qorshiisu sidaas yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here