Trump oo jawaab ka bixiyey weerarkii gantaallo ee IRAN

trump iyo rouhani

Waxaa daqiiqado ka hor soo dhamaaday shirkii jaraa’id ee aad loo wada sugayey ee madaxweynaha Mareykanka Trump uu kaga hadlayey weerarkii gantaalaha ahaa oo ay Iran xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyada Militari ee Mareykanka ee Iraq.

Trump ayaa sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerarkii gantaallo ee ay ku qaadday uusan wax khasaare nafeed ah ka dhalan.

Madaxweyne Trump ayaa xusay inay Iran tahay dowlad nasiib badan maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iran adeegsatay inkastoo ay Iran  horey u sheegtay inay ku dishay 80 ka mid ah askarta Mareykanka.

“Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman.

Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub.

“Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri.

Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here