Trump oo ka digay in Biden uu burburin doono riyada Mareykanka

trump

Madaxwayne Donald Trump ayaa aqbalay xulitaanka ay xisbigiisa Jamhuuriga u soo xuleen in uu uga qeyb galo tartanka madaxwaynanimada doorashada bisha November.

Trump ayaa kumanaan qof oo dhageysnayay u sheegay in uu kalsooni buuxdo ku qabo in 4 sano oo kale uu xafiiska sii hayn doono.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhanka kale cambaareeyay musharaxa xisbiag dimuqradiga , Joe Biden oo ay tartanka foodda is dari doonaan.

Trump ayaa sheegay in xisbiga Dimuqraadiga ay burburinayaan riyada dalka mareykanka.

Waxaa uu ballanqaaday in uu dib u dhisi doono dhaqaalaha da;lka Mareykanka .

Madaxwayne Trump oo ka hadlayay dhibaatadda feyriska Corona ayaa waxaa uu sheegay in inta uusan sanadkan dhammaan la soo saari doono tallaalka feyriska Corona.

Waxaa uu sidoo kale si wayn u weeraray dowladda Shiinaha oo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan faafidda feyriska Corona.

Afarta maalmood ee uu socday shir waynaha xisbiag jamhuuriga ayaa ka duwanaa sidii caadiyan lagu arki jiray siyaasadda Mareykanka.

Waxaa shirka afarta maalin hareeyay khudbado taageero ah oo ay jeedinayaan qoyska Mr Trump.

Trump waxaa uu sidoo kale ka hadlay dibadbaxyad dhanka midibka ku saleysan iyo ficiladda ay booliiska kula kacaan dadka madowga ah tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii George Floyd oo bishii May ay booliska Minneapolis dileen.

Waxaa uu sheegay in aqlabiyadda booliiska ay yihiin dad wanaagsan, waxaa uu intaa ku daray: “marka ay booliiska si xun u dhaqmaan waa in nidaamka cadaaladda qofkii khaladka galay ay si buuxda ula xisaabtamaan.

“Balse waxa aanan aqbalayn gudaha dalka Mareykanak ayaa ah in dadka ay sharciga gacantooda ku qaataan.

Waxaa uu madaxwayne Trump sidoo kale sheegay in si adag ay xisbiga Jamhuuriga uga soo horjeedaan dibadbaxayaasha kharbudaada geysanaai iyo kuwa dhaca gaysanaya kuwaasi oo uu sheegay in ay ka dhaceen magaaloyiin ay ka mdi yihiin, Minneapolis, Portland, Chicago, iyo New York.”

Waxaa uu dimuqraadiyiinta ku eedeeyay inay jiraan dhanka rabshadaha ay gaysanayaan dibadbaxayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here