Trump oo ku hanjabay inuu howlgelinayo milatari rabshadaha soo afjara

trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay inuu dirayo milatari kala eryi karo xasiloonidarrada ay shacabku ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilki loo geystay nin madow ah oo booliska gacantooda ku jiray.

Wuxuu Trump sheegay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada iney ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “iney difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro inuu howlgelinayo.

Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal mudahaaradaayl ah oo mudaharaad halkaasi ka waday.

Madaxweynaha oo beerta aqalka cad lug ku soo dhexmaray ayaa gaaray kaniisadda St John oo ku dhaggan aqalka cad oo ay mudaharaadayaasha waxyeella u geysteen. Wuxuuna madaxweynaha cambaareyn iyo caro uu dusha kala dhacay dadka mudaharaadyada nabadeed u beddelay rabshado iyo iney hantida shacabka burburiyaan.

Dhanka kale, tobaneeyo magaalo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo rogay bandow hal habeen ah, halka magaalada Wahington DC lagu kordhiyey laba habeen oo kale.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay bandowga laga dhaqan geliyey Washington DC in si adag loo fulinayo.

Barasaabka New York wuxuu sheegay bandowga habeenki magaalada lagu soo rogay in looga gol leeyahay si looga hortago rabshadaha iyo waxyeellada hantida loo geysanayo.

Wuxuuna sida oo kale Barasaabku uu ka digay mudaharaadayaal tira badan oo meel isugu yimaadda ay sababi karto inuu coronavirus uu si fudud u faafo.

Balse mudaharaadayaasha ayaa iska sii wata mudaharaadyadooda iyaga oo aan u aabbayeelin bandowga magaalooyinka lagu soo rogay.

Mudaharaadyada Mareykanka oo dhan gilgilay ayaa billaawday marki la shaaciyey muuqaal muujinaya Mr Floyd oo 46 jir ah oo qoorta jilibka ka saaray askari boolis caddaan ah xilli uu Floy booliska gacantooda ku jiray.

Askariga dilka geystay Derek Chauvin oo lagu soo oogay dacwad dil ah ayaa maxkamadda la horgeyn doonaa toddobaadka soo socda. Halka askartii kiiska ku wehlisay shaqada laga eryey oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin’

Isniinta shalay ahaydna waxaa si rasmi ah loo shaaciyey baaritaankii la sameeyey in lagu ogaaday dilka loo geystay Mr Floyd inuu ahaa mid bareer ah.

Trump muxuu yiri?

Madaxweynaha oo Isniinti gelinki dambe aqalka cad kula hadlay warbaahinta xiili ay mudaharaadyo ka socdeen meel aan ka fogeen halka uu warbaahinta kula hadlayey.

Wuxuu Mr Trump sheegay “dhammaan muwaaddiniinta Mareykanka iney aad uga naxeen ugana xumaadeen dilka bareerka ah ee loo geystay George Foloyd” balse ma aha iney murugta na haysay ay dad careysan naga baabi’yaan”.

Madaxweynaha ayaa rabshadaha iyo bililiqada caasimadda dalka ka dhacay Axaddii ku tilmaamay “ceeb aad u weyn” oo sumcaddi magaalada dhulka gelisay.

“Waxaan anigu howlgelinayaa kumannaan kun oo asakri oo aad u hubeysan, milatari iyo ciidamada ammaanka ee fulinta sharciga u xilsaaran si loo joojiyo rabshadaha, boobka, bililiqada iyo burburinta hantida qaranka iyo midda shacabka,” ayuu yiri.

Mr Trump wuxuu maamulka magaalooyinka iyo gobollada Mareykanka uu ku amray iney howlgeliyaan ciidamada ilaalada qaranka iyo ciidamada keydka si xaaladda degdegga ah ee dalka soo foodsaartay uga jawaabaan “oo aan tiro ku filan waddooyinka dhigno”. Ku dhawaad 16,000 oo askari ayaa ilaa iyo hadda la howlgeliyey si ay wax uga qabtaan xasilooni darrada dalkaasi ka taagan.

Wuxuuna intaa ku daray “haddii uu maamul magaalo ama gobol ay diidaan iney tallaabbada ku habbboon ay qaadaan… aniga ayaa howlgelinaya ciidamada qaranka oo awood leh iney dhibka muddo gaaban ku soo afjaraan.”

Hadalka madaxweynaha ka soo yeeray waxaa si weyn u cambaareeyey musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, wuxuu sheegay Mr Trump Militariga Mareykanka inuu u adeegsan rabo muwaaddiniinta mareykanka”.

Presentational grey line

Xoog mala adeegsan karaa?

Falanqeynta wariyaha waqooyiga Mareykanka Anthony Zurcher

Laga billaabo isniinta madaxweyne Trump waxaa soo fuulayey cadaadis ah inuu tallaabbo qaado si looga hortago xasiloonidarrada ka sii fideyso magaaloyinka waaweyn ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha oo aqalka cad warbaahinta kula hadlayna wuxuu ka dhawaajiyey tallaabbo uu doonayo in la qaado.

Wuxuuna maamullada magaalooyinka iyo barasaabyada gobollada uga digay haddii ay tallaabbooyin adag oo ay ku xakameynayaan rabshadaha socda qaadi waayaan inuu ciidamada milatariga Mareykanka inuu gudaha dalka ka howl gelinayo.

Columbia oo hoos taga dowladda federaalka madaxweynaha wuxuu madaxweynaha amar uu ku bixiyey in ciidama laga howl geliyo si mudaharaadayaasha xoog looga muquuniyo.

Balse madaxweynaha kama uusan hadlin isbeddellada loo baahan yahay booliska dhibka dhacay sababta u ahayd iyo mudaharaadyada ka dhashay oo toddobaadki hore soo billowday.

Halka uu madaxweynaha isku tilmaamay “madaxweynaha sharciga iyo kala dambeynta” taasoo la sheegay iney tilmaan u noqon karto xalka rabshadaha taagan wax looga qaban kara iney tahay xoog oo keli ah.

Presentational grey line

Mudaharadyada maxaa ka soo cusboonaaday?

In ka badan 75 magaalo ayey mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka George Floyd ka socdaan. Waddooyinki maalma badan oo hawanayey xayiraadaha corornavirus awgii waxaa buux dhaafiyey mudaharaadyo tira badan oo garbaha isku haya.

Mudharaadayaasha ayaa markale mudaharaadyadooda xilli habeen ah dhigay, halka in ka badan 40 magaalo la kordhiyey bandowgi saarnaa.

Mudaharaadyada ka dhashay dilka George Floyd

Muuqal laga soo duubay magaalada New York oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya mudaharaadayaal kumannaan ah iyo qaarkood oo dukaanna boobaya.

Mudaharaadya kooban ayaa sida oo kale ka dhacay magaalooyinka Los Angeles iyo Oakland.

Axaddi mudaharaadyada badankood oo si nabadgalyo ah ku billowday ayaa marki dambe iisu beddelay rabshado, halkaasi oo iska horimaad uu ku dhexmaray booliska iyo mudaharaadayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here