Trump oo qaaday tallaabo kale oo caqabad ku ah muhaajiriinta

trump

Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay muddada hakinta qaar ka mid ah sharciyada giriin kaadhis-ka sidoo kalana waxa uu joojiyay dal ku-gallada ajaanibta ilaa dhamaadka 2020-ka.

Xirfadleyaasha ku xeel dheer tignoolojiyadda iyo shaqaalaha xilliyada gaarka ah shaqeeya ayay tallaabadani saameyn doontaa.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in tallaabadani ay shaqa abuur u sameyn doonto dadka reer Mareykan ee uu dhaqaalohooda u wiiqmay sababo la xiriira fayraska corona.

Hase yeeshee dadka wax naqdiya ayaa sheegay in Aqalka Cad uu si khaldan u adeegsanaya fayraska corona si uu u sii adkeeyo sharciyada ka dhanka ah socdaalka.

Yuu saameynayaa go’aankan?

Xog la siinayey warbaahinta ayay dawladdu ku sheegtay in joojintani ay soconaysa tan iyo inta laga gaadhayo dhammaadka sannadkan, taas oo saamaynaysa ku dhawaad dad gaadhaya 525,000 oo qof.

Waxaana ka mid ah dadkaasi 170,000 oo qof oo u xannib-naanaya inaan loo ballaadhin doonin green card-koodii ama dal ku jooggoodii dalkaasi. Aqalka Cad ayaa markii hore ku dhawaaqay in la joojinayo fiisooyinka bishii Abriil.

Dadka aysan saamayn doonin xadidaaddan cusub ee la soo saaray ayaa kala ah, dadka haysta nooca dal-ku gal ee loo yaqaan H-1B kaas oo ay badanaa qaatan Hindida ku shaqaysata tignooljiyadda.

Amarku wuxuu joojinayaa fiisayaasha H-2B badankood ee la bixiya xilliyada gaarka, oo ay ku jiraan kuwa la siiyo shaqaaalaha warshadaha.

Sida oo kale amarku wuxuu xaddidi doonaa fiisooyinka muddada-gaaban ee J-1, oo ay qayb ka yihiin ardayda jaamacadaha iyo dumarka carruurta xaneeenaya ee bixiya daryeelka ilmaha. Kuma jiraan macallimiinta jaamacaduhu, laakiin shuruuc gaaara ayaa la marin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here