Trump oo soo badhigay qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe

trump

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin.

Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha [Yuhuudda lagu] deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.

Isaga oo barbar taagan ra’isal wasaaraha Israel,Benjamin Netanyahu, oo Aqalka Cad uu ku qaabilay, ayaa Trump wuxu sheegay in qorshihiisu “noqon karo fursaddii ugu dambaysay” ee Falastiiniyiintu helaan.

Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay “shirqool”.

“Trump iyo Netanyahu waxa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” ayuu yidhi isaga oo khudbad ka telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Qorshahan oo ujeedadiisu tahay in lagu so oaf-jaro colaadda dunida ugu mudada dheer, ayaa waxa falkiyey wiilka uu Madaxweyne Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner.

Qodobada ugu waaweyn qorshaha Trump

Qodobada uguu mudan ee mucda u ah qorshahan nabadda Bariga Dhexe ee Trump waxa weeyi: :

Maraykanku wuxu dhulka Israel u aqoonsan doonaa dhamaan goobaha uu qorshahan Trump ku qeexo in ay qayb ka yihiin Israel. Waxaana ku ladhan qorshahan khariidad haloosi ah oo Trump sheegay in ay muujinayso dhulka Israel diyaarka u tahay in ay ka tanaasusho.

  • Khariidaddu waxay “laban laab iyo dheeraad ka dhigaysaa dhulka Falastiiniyiinta oo caasimadiisu tahay bariga Quddus” halkaas oo Trump sheegay in Maraykanku safaarad ka furan doono. Ururka Xoraynta Falastiin ee magaciisa loo soo gaabiyo PLO ayaa sheegay in qorshaha Trump Falastiiniyiinta siinayo wax 15% in yar uun ka badan waxa uu ku sheegay “Falastiin ta taariikhiga ah”.
  • Quddus “waxay ahaan doontaa caasimadda aan la qaybsamin ee Israel”. Israel iyo Falastiiniyiinta labaduba waxay haystaan dood lagu qanci karo oo ay ku sheeganayaan magaalada barakaysan. Falastiiniyiintu waxay ku adkaysanayaan in bariga Quddus oo Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 ay noqoto caasimadda dawladooda mustaqbalka.
  • Wuxu fursad u yahay Falastiiniyiinta si “ay u helaan dawlad madax bannaan oo ay leeyihiin”- hase yeeshee faahfaahin badan ma bixinayo.
  • “Falastiiniyiinta iyo Israeli-yiinta toona laga kicin maayo goobaha ay deganyihiin” – taas oo sheegaysa in goobaha Yuhuudda lagu deegaameeyey ee Daanta Galbeed ee Israel haysataa sidooda ahaan doonaan.
  • Israel waxay Boqorka Urdun kala shaqayn doontaa sidii loo xaqiijin lahaa in ay xeerka haantan lagu maamulo goobaha barakaysan ee Quddus ku yaal ee Yuhuuddu u tagaan Temple Mount, Muslimiintuna u yaqaanaan Al-Xaram Al-Shariif sidiisa uu ahaado. Urdun ayaa maamusha ururka maamula goobahaa diimeed ee halkaa ku yaal.
  • Dhulka khariidadda Trump u qoondaysay Falastiiniyiintu “wuxuu muddo afar sannadood ah ahaan doonaa dhul bannaan oo aan waxba laga dhisi karin”. Mudadaas Falastiiniyiintu waxay darsi doonaan qorshan oo waxa wada xaajood la geli doonaan Israel ay “ku buuxinayaan shuruudda ay dal ku yeelanayaan”.

Masar oo qorshahan Trump ka hadashay ayaa sheegtay in ay qadarinayso dedaalka maamulka Maraykanku ugu jiro “sidii xal waara oo cadaalad ah looga gaadhi lahaa qadiyadadda Falastiin”.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in Masar “labada dhinac ee arintu dhex taallo ku tirtirsiyeyso in ay si degan u daraaseeyay aragtida Maraykanka ee nabadaynta oo ay dhan walba ka eegaan iyo sidoo kale in ay abuuran fursan dib loogu bilaabo wada xaajodka Maraykanku ka odayeynayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here