TUKARAQ: Ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah oo doraad isku dhacay

dagaal tukaraq

Ciidamada Somaliland iyo shacabka Tukaraq ayaa talaadadii doraad Isku dhac iyo Israsaasayn xoogani ku dhexmaray magaaladaasi gudaheeda.

Isku dhaca ayaa ka bilowday muran dhexmaray mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka iyo Wiil yar oo dadka degaanka ka soo jeeda.

Ciidamadda ayaa isku deyey inay wiilka xoog ku kaxeystaan, taas oo keentay in dadkii shacabka ahaa ay dhagaxtuur ku bilaabaan arkastii, aakhirkiina waxay keentay in rasaas xoog leh lays dhaafsado.

Qaar ka mid odayaasha Gobolka Sool oo shalay degaanka tegay ayaa sheegay inay xaalada soo dejiyeen, labo qof oo shacab ah oo shalay ciidamadu qabsadeena la soo daayey, maalinta sabtida ayaa loo balansan yahay xalinta arintan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhibtu tahay habdhaqankii Ciidamada oo soo xumaanaya, waxaana ilaa shalay degaamadaas layska weydiinayey sababta keentay in waqtigan ay Ciidamadu sidii Hangashtii shacabka ula dhaqmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here