Turkiga: Faransiiska wuxuu ku fashilmay argagixisadii uu ka abuuri rabay Suuriya

wasiirka arimaha dibada turkey

Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga carootay go’aan kasoo baxay Faransiiska oo ku aaddan howlgalka uu Turkiga ka wado gudaha Suuriya.

Sharci dajiyeyaasha Faransiiska ayaa sheegay inaysan wax taageero ah u heynin tallaabada uu Turkiga qaaday.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay go’aanka ay labada aqal ee Baarlamaanka Faransiiska kasoo saareen mowqifkooda ku aaddan howlgalka ay xukuumadda Ankara ka waddo gudaha dalka Suuriya.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa go’aanka ay aqallada senete-ta iyo baarlamaanka Faransiiska ku diideen howlgalka dhulka nabadda ah lagu sameynayo ee ka socda Waqooyiga Suuriya”, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda.

Waxaa bayaanka sidoo kale lagu yidhi: “Waa wax aan lala yaabeynin in Faransiisku uu qaato go’aankaas ka dib markii uu ku guul darreystay isku daygii uu ku doonayay inuu maamul argagixiso ah uga dhiso waddanka Suuriya”.

“Dowladda Faransiiska iyo baarlamaankeeduba waxay mar kale xaqiijiyeen inay la safan yihiin kooxda PYD/YPG, kuwaasoo ah garabka Suuriya u jooga kooxda PKK, taasoo ay liiska argagixisada ku dareen Turkiga, Mareykanka iyo midowga Yurub intuba”, ayaa lagu yiri qormada bayaanka.

Waxaa kale oo lagu qeexay inuusan jirin waddan adduunka ku yaalla oo Turkiga uga badan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS.

.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa si caro leh uga hadashay hadal kasoo yeeray Faransiiska

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhinaca kale Faransiiska ku eedeysay inuuxal u waayay muwaadiniintiisa xubnaha ka ah kooxda IS ee ku sugan gudaha Suuriya, waxayna sheegeen in xukuumadda Paris aysan Turkiga ku eedeyn karin howlgalka uu Suuriya ka wado.

Labada aqal ee baarlamaanka Faransiiska ayaa Arbacadii ansixiyay qaraar lagu cambaareynayo isla markaana looga soo horjeedo go’aankii uu Turkiga ku billaabay howlgalkiisa Milatari ee ka socda Waqooyiga Suuriya, kaasoo ay mas’uuliyiinta waddankaas ujeeddadiisa ku sheegeen mid aag nabdoon looga sameynayo halkaas.

9-kii bishan October ayey Milatariga Turkigu u tallaabeen xadka Suuriya, iyagoo garab ka helaya maleyshiyaad kusii sugnaa Suuriya.

Qorshahaas oo in muddo ahba socday ayuu madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ku sheegay mid lagu abuurayo goob ay dagaan qaxootiga reer Suuriya.

22-kii bishan, Turkiga iyo Ruushka ayaa galay heshiis dhigaya in xoogagga YPG ay xuduudda dib uga gurtaan ilaa 30km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here