Turkiga iyo Mareykanka oo heshiis ka gaarey howlgalka Suuriya iyo Erdogan oo guul gaaray

mike pence iyo erdogan

Turkiga ayaa ogolaadey in uu si ku meel gaar ah u hakiyo howlgalkiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta Suuriya, una fasaxo in ay ka baxaan xuduudka, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa yiri kadib safariisa Ankara.

Madaxweynaha Turkiga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa wadahadal muddo dheer qaatay ka yeeshay magaalada Ankara, waxaana sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga ay labada dhinac ku heshiiyeen xabad joojin muddo 120 saacadood ah oo ka dhacda Waqooyiga Syria, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu joojinayo howlgalka milateri, si loogu ogolaado dagaalyahanadda Kurdiyiinta inay ka baxaan aagga ay dooneyso dowladda Turkiga.

“Mareykanka iyo Turkiga waxay isku afgarteen xabad joojin ka dhaqan-gasha Suuriya,” Mike Pence ayaa sidaas ka sheegay kadib shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo.

Waxaa kaloo heshiiska ka mida in hubka waaweyn ee kooxda Kurdiyiinta la baabi’iyo, waxaana aagga nabadda laga dhigayo ee Waqooyiga Syria ilaalinaya ciidamada Turkiga, waxayna labada dal iska kaashan doonaan fulinta heshiiskan.

Is-afgaradka ayaa baajin doona colaada lagu sifeeyay “midda ku meel gaarka ah”. Marka “midda joogtada ah” ay imaan lahayd, Donald Trump wuxuu joojin doonaa cunaqabateyno kale oo ka dhan ah Ankara, Pence ayaa ku sharaxay.

Sidda uu ka dhawaajiyey Pence, Ankara ayaa balanqaadey in ay joojin doonto howlgalka marka maleyshiyaadka Kurdiyiinta ay si dhameystiran uga hayaamaan soohdinta ku teedsan Turkiga lana sameeyo Aag hubka ka caagan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa u muuqda inuu rabitaankiisa helayo dagaal la’aan kadib markii howlgalkiisa Waqooyiga Suuriya uu ku adkeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here