Turkiga oo bilaabay in uu ciidamadiisa u daabulo Libya

ciidamada turkiga

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay bilawday in ay daabusho ciidamo uu baarlamaanka dalkaas aqbalay in la geeyo dalka Libya.

Erdogan ayaa sheegay in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay arrintan ay tahay xaqiijinta xasiloonida dowladda uu caalamka taageero ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

Dowladda Libya ayaa dagaal kula jirto maleeshiyo uu hogaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar oo fadhigoodu yahay bariga dalka Libya.

Jeneraal Haftar ayaa waxaa taageero dalalka Masar iyo Imaaraatka, halka dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ay taageersan yihiin Turkiga iyo Qatar.

Maleeshiyaadka Jeneraal Haftar ayaa isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta caasimadda Tripoli, waxaana lagu eedeeyay duqeymo dhanka cirka ah oo laba maalin kahor lala eegtay iskool milateri, halkaas oo ay ku dhinteen 30 qof, inkastoo ay beeniyeen in ay ka dambeyeen weerarkaas.

“Hawsha askarteena waxay tahay isku duba ridka, waxay horumarin doonaan xarunta dhexe ee hawgallada, hadda ayayna socota daabulida askarta,” ayuu Erdogan u sheegay telefishenka CNN, qeybta ku hadasha af Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.

.
Dad taageersan ciidanka Turkiga ee Libya la geynayo

Dalalka Israel, Qubrus iyo Greek ayaa Turkiga uga digay ciidamada uu geynayo Libya, waxaana ay ku tilmaameen xasilooni darri horleh oo kusoo korodhay gobolka iyo in ay tahay arrin sharci darro ah oo kasoo horjeedo cunaqabateynta Qaramada Midoobay ay saartay Libya.

“Faragelinta dibadda ee Libya waxay uga sii dareysaa xaaladda,” sidaas waxaa Erdogan u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khadka taleefoonka ay ku wada hadleen.

Wakalaadda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo diblomaasiyaadeed ayaa kusoo warrantay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kulan albaabada u xiran yihiin ka yeelan doonaan xaaladda Libya.

Qorshaha uu Turkiga ciidamada ku geynayo dalka Libya ayaa waxaa ansixiyay xildhibaano gaaraya 325, halka 184 ay kasoo horjeesteen.

Madaxweyne Erdogan oo aan fahfaahinin tirade ciidamada la geynayo Libya ayaa sheegay in xukuumadda Tripoli ay codsatay ciidamadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here