Turkiga oo cambaareeyey weerarradii Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Awdheegle iyo Bariire

wasiirka arimaha dibada turkey

War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Waxaa na murjiyey in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

Qoraalka wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa mar kale qoraalkaan ku balan qaaday inay sii garab taagnaa doonto Soomaaliya, si gaar ahna ay uga gacan sii doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo faahfaafin ka bixiyey weerarradaas ayaa sheegay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kalena ay ciidamada dowladda Soomaaliya nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah, intii ay soceen dagaalladu.

Ciidamada la weeraray ee ku sugnaa saldhigyada Bariire iyo Awdheegle ayaa ka kala tirsanaa guutooyinka 14-ka October iyo Gor Gor oo ay tababartay dowladda Turkiga oo dhismaha ciidanka xoogga ka caawisa Soomaaliya.

Al-Shabaab oo si gaar ah guulo uga sheegtay dagaalkii Bariire waxay tilmaameen in 47 askari ay ku dileen saldhigga ay weerareen ee ciidamada dowladda, isla markaana ay ka furteen lix gaari oo tikniko ah.

Hase yeeshee saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada kooxda, iyagoo soo bandhigay muuqaallo laga soo duubay meydad aad u badan oo dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intii uu socday dagaalkii Bariire waxay weerar kale ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire.

Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, taas oo lagu macneeyey tallaabo ay ku arbushayeen isu gurmadka ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here