TURKIGA oo faah-faahiyey dalabkii DF ku weydiisatay in ay dalka ka baaraan shidaal

shiidaal

Safiirka Turkiga ee  Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo wareysi dheer oo siiyey VOA ayaa faah-faahin ka bixiyey qorshaha Turkiga uu shidaal uga soo saarayo Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Erdogan uu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay sidaas ka dalbatay.

“Bishii maarso ee sanadkii 2019-kii waxaa Turkiga iskugu tegay oo ku shiray, wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, waxaana kulankaas xoogga lagu saaray sii adkeynta xiriira labada dhinac iyo sidii horay loogu sii amba qaadi lahaa, sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxa uu la kulamay shirkadeheenna dhanka ganacsiga”ayuu yiri Mehmet Yılmaz.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadafka kulanku waxa uu ahaa iskaashi dhex mara labada dhinac, hadii ay ahaan laheyd Macdan baaris, xoojinta dhan awooda iyo farsamada wasaaradda iyo sidii shirkadaha gaarka ah ee aan dowliga aheyn ay u maal gashan lahaayeen dhinacyadaas aan soo sheegnay ee Soomaaliya.

“Waxaan xusayaa in wasiirku uu shirkadahaas ku casuumay in ay baaritaan ku sameeyaan Macdanta iyo dhinacyada kaleba, waxaana la is weydiiyey miyaanaa is kaashi ka sameyn kareyn Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah, waxaana soo baxday jawaab ah in dhinacyadaas aan is kaashan karno, waxaana aaminsanahay in ay muhiim tahay in labada dhinac ay is kaashadaan oo ay wada faa’iidaan”.

Sidoo kale safiiraka ayaa sheegay in wadahadalladii ku saabsanaa arrinta is kaadhiga Batroolka uu soo dhex galay cudurka dunida wada saameeyey ee Coronavirus, balse ay hadda ay ka shaqeynayaan sidii ay u sii socon lahaayeen wadahadaladu, isla markaana ay macquul tahay in xilli kasta ay wasiirradu kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here