Turkiga oo ka hadlay xarun dayax-gacmeed oo ay Soomaaliya ka dhisi doonaan

madaxweyne erdogan

Dowladda Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta saddex dal, ayada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay Soomaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-gacmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda

Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik isaga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caalamiga ah ee sahminta hawada sare 

Inkasta oo uusan sheegin saddex dal ee ay Turkey la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa waxaa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah.

“Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhinacyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay suurta-galnimada ah in Ruushka ay gacan ka gaystaan dhismaha xaruntan. Khibrad weyn ayey u leeyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim. 

Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Soomaaliya ka dhisto saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku kacaya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka sahminta hawada sare. 

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda. 

Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawada sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sare loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qandaraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan.

Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixiyeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System). 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here