Turkiga oo loolanka Yemen ku soo biiray iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo walaacsan

erdogan Khalifa b Zayed A Nahyan

Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa’ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin.

“Dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Yemen oo gabi ahaanba si taxadar leh loo qariyay, hadda waxaa uu diiradda saarayaa saddex goobood oo ah aagga xeebaha Yemen: Shabwah, Socotra, iyo degmada al-Makha,” ayaa lagu sheegay war uu daabacay wergeyska todobaadlaha ah ee Arab Weekly.

Xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga oo ka howlgala Shabwah, kuna shaqeeya magaca Hey’adda gar gaarka ee Humanitarian Relief Foundation (IHH) iyo saameynta sii kordheeysa Ikhwaanul Muslimiin ay ku leeyihiin Yemen, ayuu wargeysku ka waramay.

Waxaa uu wargeysku sheegay in Ikhwaanul Muslimiin ay rajeynayaan in ay la wareegan agga al-Alam ee Shabwah iyo dekedda Balhaf si ay uga faa’iideystaan dhoofinta muhiimka ah ee gaaska iyo baahida loo qabo xeebtan oo looga maarmayo badda Carbeed.

Dekedda Balhaf iyo dhul xeebedka kale ee koofurta Yemen waxaa ay muhiim u yihiin faraqelinta Turkiga ee mustaqbalka iyo marsiinta shixnadda ka imaaneysa saldhigga military-ga Turkiga ee Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa Turkiga waxa ay ku eedeeysay in uu uga sii darayo xiisadda Yemen isagoo cawimaad siinaya Gudoomiyaha Socotra Ramzi Mahrousi, taasi oo ay caddeyn u tahay booqasho qarsoodi ah oo uu ku tagay Istanbul, halkaas oo uu kula kulmay sarakiil ka tirsan sirdoonka Qatar iyo Turkiga iyo hogaamiyeyaasha Ikhwaanul Muslimiin.

“Arrimahaan soo cusboonaaday waxa ay muujinayaan in Turkigu uu door weyn oo siyaasadeed ka qaadanayo koofurta Yemen isagoo umaraya garabka maxaliga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, taasi oo sidoo kale hey’adaha gar-gaarka Turkiga ka caawineysa in ay saameyn yeeshan,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

“Xisbiga Islaax waxaa uu u taagan yahay in uu Hey’addaha Turkiga, Dowladda iyo dhamman cid walba ee u shaqayneysa sida ururo kheyri ah in ay galaangal ku yeeshan magaalooyinka Yemen,” sida uu sheegayo Maxamuud Al-Taahir oo taxliiliya siyasadda Yemen lana hadlay Wargeyska Arab Weekly.

“Turkigu waxaa uu doonayaa in uu kal-kaalo Ikhwaanul Muslimiinka Islamarkaana uu ku awood siiyo gudaha Yemen,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray.

Warbixintu waxaa ay sheegeysaa in saraakiil xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka ay booqdeen Ankara si ay ugu ololeeyaan in xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan uu door muuqda ku yeesho Yemen, gaar ahaan mal gelinta wadooyinka iyo dekedaha.

Bartamihii bishii January, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa booqday magaladda Caden, halkaas oo fadhi u ah Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Cabdu Rabbu Mansoor Haadi.

Safarkiisu waxaa uu ku soo aaday, laba bilood kadib markii, Salax Al-Jabwani oo ahaa wasiirkii Gaadiidka xukuumadda Hadi uu booqday Turkiga sii ugala soo hadlo in Turkigu maareeyo dekedaha Yemen.

Dhaq-dhaqaaqa xukuumadda Ankara ee Yemen waxaa uu qayb ka yahay ololeheeda ay ku ballaarineyso saameynteeda ilinka koofureed ee Badda Cas, sida uu wargeysku sheegayo.

“Dadaaladda uu Turkigu ku kordhinayo joogitaankiisa Baabul Mandab oo ay marto saliida gacanka Persia ka hor inta aysan u gudbin Kanaalka Zues, waxaa ay khatar gelinayaan amniga dalalka carbeed ee gacanka Persia,” ayey xustay warbixintu.

Libya waa meel kale oo ay isku riixayaan Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya oo dhinac kale ah.

Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Masar waxaa ay taageerayaan Generalka fallaagada ah ee Khaliifa Haftar, halka Turkiguna uu kaabayo Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here