Turkiga oo madaxweynaha Faransiiska ku eedeeyay inuu maalgaliyo argagixisada

wasiirka arimaha dibada turkey

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu “maalgaliyo argagixisada”, wuxuuna gaashaanka u daruuray dhaleeceyntii uu hoggaamiyaha Faransiisku u jeediyay weerarka ay Ankara ku qaadday gudaha Suuriya.

Mevlut Cavusoglu ayaa warfidiyeenka u sheegay in Mr Macron uu doonayay inuu noqdo hoggaamiyaha Yurub, balse “uu marba dhinaca u boodayay”.

Bishii lasoo dhaafay, Mr Macron ayaa martigaliyay sarkaal sare oo ka tirsan xoogagga ay kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriya(SDF).

Turkiga ayaa garab ka mid ah ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo YPG u aqoonsan dhaqdhaqaaq argagixiso ah.

Galinkii hore ee shalay oo Khamiis ah, Mr Macron ayaa sheegay inuu ku saxnaa hadalkii uu saddex isbuuc ka hor ku sheegay in isbahaysiga Nato uu yahay “mid maskaxda ka dhintay”.

Turkish and Russian troops are seen after they completed the eighth round of joint ground patrols in northern Syria. 18 Nov 2019
Turkish and Russian forces are carrying out joint ground patrols in northern Syria

Wuxuu sheegay in dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga ay u baahan yihiin “inay hurdada ka kacaan”, maadaama aysan ku dhaqmeynin xeerarkii muhiimka ahaa ee la dajistay.

Macron wuxuu sidoo kale dhaliilay sida ay Nato ugu guuldarreysatay inay ka jawaabto gulufkii uu Turkigu ku qaaday xubin ka mid ah Nato – oo ah xoogagga ku sugan waqooyiga Suuriya.

Muxuu yiri Cavusoglu?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo warfidiyeenka kula hadlayay xarunta baarlamaanka ayaa yiri: “Macron wuxuu horayba u maalgalin jiray argagixisada wuxuuna u martigaliyaa si joogto ah. Hadduu leeyahay xulafadiisu waa kooxaha argagixisada ah… runtii wax kale oo u harsan inuu sheego ma jiro”.

“Wakhti xaadirkan, waxaa Yurub ka jira jahwareer, Macron wuxuu doonayaa inuu hoggaamiye u noqdo, laakiin hoggaamintu waa mid u timaada si dabiici ah”.

Turkiga ayaa si weyn u carooday markii uu Mr Macron 8-dii bishii October magaalada Paris wadahadal kula yeeshay afhayeenka ururka SDF Jihane Ahmed.

Muxuu yiri madaxweynaha Faransiiska?

Madaxweynaha Faransiiska ayaa cambaareeyay dalalka ku bahooday gaashaanbuurta Nato, isagoo ku dhaleeceeyay inaysan aqoonin ujeeddadooda dhabta ah.

Mr Macron ayaa ka hadlayay shirjaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo xog hayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg, iyadoo hal isbuuc ka dib la filayo inay hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaas ku kulmaan sanadguuradooda 70-aad.

“Waxaan gabi ahaanba ayidayaa hadalkeygii aan ku muujiyay wareysigii 7-dii November, sababtoo ah waxaan aaminsanahay inay mas’uuliyad darro tahay inaan ka hadalno arrimo dhaqaale annagoo aan waxba ka qabaneynin howlaha hadda na horyaalla”, ayuu yiri.

“In hurdada laga kaco waxay ahayd muhiim. Waan ku faraxsanahay in hadda uu qof walba dareensan yahay inaan ka fikirno qorsheyaal ku dhisan ujeeddadeenna”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here