Dalka Turkiga oo aad uga carooday dib u dhigistii Dacwadda Badda Soomaaliyeed ee dalka Kenya uu doonayo inuu xoog ku boobo ayaa digniin tii ugu adkeeyd u diray maxkamadda ICJ iyo dowladda Kenya.
Wasiirka Arimaa Dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ay dhinac u xaglinayso oo ay u muuqato inay Kenya la safan tahay, isagoo cadeeyey in beryihii dambe aanay dooda Soomaaliya tixgelinayn, arintaas oo Dawladda Turkigu aad uga soo horjeedo, isagoo uga digay inay maxkamadu ay lumiso kalsoonida dhexdhexaadnimada Caalamka.
Wasiirka ayaa Dawlada Kenya uga digay daandaansiga ay Soomaaliya ku hayso, isagoo ugu baaqay inay joojiso dacaayadaha oo ay ku qanacdo wixii maxkamada ka soo baxa.
Wasiirka ayaa sidoo kale Soomaaliya uga mahadceliyey taageeradii ay u muujiyeen oo ay ku diideen eedeyntii Jaamacada Carabta
DAAWO: