Turkiga oo wacad ku maray ciqaab xooggan kadib markab laga qabsaday

wasiirka arimaha dibada turkey

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay markab ganacsi oo ciidamada Generaal Khalifa Haftar ay dhawaan gacanta ku dhigeen, kaasi oo ay maamusho shirkad Turkish ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa cambaareeyay tallaabada ay ciidamada Haftar kula wareegen markabkaasi, iyada oo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aan xoriyadooda dib loo siin shaqaalaha saaran markabkaas.

Markabka oo lagu magacaabo Mabrooka ayaa waxa saarna 17 shaqaale oo kala ah; sagaal Turkish ah, toddoba Indian ah, iyo hal Azerbaijani ah, sida lagu sheegay warbixinta markabkaas.

Turkiga ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan ciidamada Haftar, haddii ay markabka kusii deyn waayan sida ugu dhaqsaha badan, iyada oo aan dib loo dhigin, maadama ay ku doodeyso inuu siday gargaar bini-aadanimo.

“Markabka waa in loo ogolaadaa inuu sii socdo, ayada oo aan dib loo dhigin. Waxaa jiri doono cawaaqib xooggan, kuwa falkan ka dambeeyana waxay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ankara.

Ciidamada Generaal Haftar ayaa maalintii Isniintii ku dhowaaqay inay Axaddii gacanta ku dhigeen markab ay maamusho shirkad Turkish ah oo sita calanka Jamaica, kaasi oo loo kaxeeyay dekedda si baaritaan loogu sameeyo.

Mabrooka ayaa gudaha u galay “aagga howl-gallada militari” ee Ras Al-Hilal, sida ay sheegtay maleeshiyada Haftar ee ka dagaalanta Libya.

Kooxda Haftar ee LNA ayaa iyadu dagaal xoogan kula jirta dowladda Libya ee xukuumadda Ankara ay taageerto, waxaana la aaminsan yahay in arrintan ay dabo socoto howlgalada millateri ee ka taagan dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here