Turkiga oo war kasoo saaray weerar shalay lala beegsaday ciidanka xoogga Somalia

Turkish emb somalia29102015 4

Dowladda Turkiga ayaa war qoraal ah kaga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa tacsi loogu diray dhamaan ehelada dadka ku dhintay weerarka iyagoo caafimaad u rajeeyay dadkii falkaas ku dhaawacmay.

Sida la sheegay 8 askari ayaa ku geeriyootay weerarkii dhacay halka tiro ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen.

“Waxaa nasoo gaaray akhbaar naxdin leh oo ah in sideed qof lagu waayay, tira kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen kadib weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhigga guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale warka qoraalka ah waxaa lagu cambaareeyay weerarka.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaan wali warbixin rasmi ah kasoo saarin weerarkii halkaas ka dhacay, waxaana sii kordhaya beegsiga ay kooxaha nabad diidka ah la beegsanayaan xeryaha ciidanka dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here