Uganda oo diyaarado dagaal u soo direysa Soomaaliya

Diyaarado

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in diyaarado nooca dagaalka ah ay u soo direyso Soomaaliya, si ay u taageeraan ciidamada AMISOM.

Richard Karemire oo ah afhayeenka ciidanka millateriga dalka Uganda ayaa sheegay in ay dhowaan diyaaradahaasi soo gaari doonaan Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Diyaaradaha Militariga waa kuwa Caawiya Askarta lugta ee dhulka ku sugan, waxa ay wax ka arkaan meelo fog, waxa ay kahor tagaan duullaan kusoo socda, waa kuwa xoojiya awoodda ciidamada oo ay dib ugu laabtaan cadawga kusoo socda.” ayuu yiri afhayeenka ciidamada militariga wadanka Uganda, Richard Karemire.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in diyaaradahaasi ay xoojin doonaan dadaallada la doonayo in looga adkaado Al-Shabaab oo 10 sano ka badan dagaal ka wada dalka.

Afhayeenka ma shaacin tirada diyaaradaha dagaal ee ay dowladda Uganda u soo direyso Soomaaliya oo ciidamo ay ka joogaan.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howl-gala Somalia, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo kala duwan ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here