Uganda oo taliye cusub u soo magacowday ciidanka ka jooga Soomaaliya

Gen Richard Otto amisom uganda

Dowladda Uganda ayaa Gen. Richard Otto u soo magacowday inuu noqdo taliyaha cusub ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha cusub oo xilka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ayaa bedalay, Michael Kabango oo sanadihii la soo dhaafay hayey xilkaasi.

Gen. Richard Otto oo leh khibarado kala duwan ayaa 2013-kii soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada.

Gen. Otto oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in halkeeda uu ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here