Ugu yaraan 60 ruux oo ku dhimatay daadad dalka Suudaan ka dhacay

sudan map

Roobab iyo daadad ayaa 62 ruux ku dilay dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Roobab mahiigaanno ah ayaa ka da’ayay Suudaan tan iyo billawgii bishii Luulyo, arrintaas oo saamaysay qiyaastii 200,000 oo ku kala sugan 15 gobol. Gobolka White Nile ee ku yaalla koonfurta dalkaas ayay waxyeellada ugu badan gaartay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 37,000 oo guri ay burbureen ama waxyeello soo gaartay iyadoo la filayo in daadad hor leh dhacaan.

Wakhti roobaadka ayaa socda tan iyo dhammaadka bisha Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here