Uhuru Kenyatta oo shuruud adag ku xiray inay ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya

uhuru kenyatta2

Madaxweynaha  dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hor imaaday qorshaha la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro dalka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan marnaba ka bixi doonin dalka Soomaaliya inta ay Al-Shabaab jirto isagoo sheegay inay AL-Shabaab halis weyn ku tahay guud ahaan dalalka Africa.

Wuxuu tilmaamay inay Ciidamada Kenya baaqi kusii ahaan doonaan gudaha Soomaaliya inta ay iska dhiibayaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay,

Uhuru ayaa sheegay in CIidamada Kenya ay kamid yihiin howgalka AMISOM ayna ku shaqeenayaan amarka iyo qorshaha u dajisan howlgalka AMISOM oo ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab loo ciribtiri lahaa.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan Qaramada Midoobay u gudbisay Qaraar ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ah qodobka 1267 oo sheegayo in meelaha ay Al-Shabaab ku sugan yihiin laga fuliyo duqeymo aan kala sooc laheyn iyo inaan wax gargaar bini’aadanimo la gaarsiin Karin.

Qaramada Midoobay ayaa qaraarkaas ka hor timid waxayna sheegtay inaan la joogin waqti Al-Shabaab la geliyo qodobka 1267, waxaana arrintaas si weyn uga hor imaaday hey’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Dowladda Kenya ugu eedeysay inay qeyb ka tahay dhaqaalaha ay helaan Al-Shabaab, waxayna codsatay in intii la ansixin lahaa qodobka 1267 lagu amro Kenya inay joojiso dhoofinta Dhuxusha oo la aaminsan yahay inay dhaqaale badan ka helaan Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xasaasi ah mareyso dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo dib loo dhigay muddo Laba bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here