Uhuru Kenyatta oo Soomaaliya ugu baaqay in ay oggolaato wada-hadal muranka badda

uhuru kenya un

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood.

Kenyatta ayaa hadalkan ku sheegay Khudbaddiisii Kulanka Golaha Guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee 74-aad, taasi oo shalay jeediyey.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii magaalada New York uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Farmaajo intii uu kulanka socday ku “adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taas oo la isku waafaqay.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale marar badan horey u sheegtay inaysan wada-xaajood ka geli doonin muranka badda, ayna dooneyso in lagu kala baxo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), oo kiiska uu horyaallo.

Dhegayso VOA iyo Maxamed Colaad Xassan oo soo koobaya nuxurka khudbadda Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here