UN Monitoring Group oo warbixin ka soo saartay weerarada loo geysto xarumaha shirkada Hormuud

hormuud

Kooxda UN Monitoring Group ayaa oo soo saartay warbixinteeda ku saabsan Soomaaliya ayaa kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn ee Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta.

UN Monitoring Group ayaa si faahfaahsan kaga hadashay weeraradii loo geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo weeraro uga imaaday Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo qaaday weeraro ay kooxda Al-Shabaab u geysteen Shirkadda Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya, waxayna warbixinta caddeysay sababta keentay in labada shirkadood la beegsado.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta UN Monitering Group oo dhameystiran:

Bartilmaameedka laga dhiganaayo Hormuud, shaqaalahooda iyo agabyadooda kala duwan.

Guddi khuburo ah ayaa helay warbixino ku aadan weerarka ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Gedo,  waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah.

Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen si madax banaan inay u ogaadeen in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay sii xiriir ah isla lahaayeen weliba ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo hadda lagu shaqeenayo Mandate-ka u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhinteen labo qof oo rayid ah.

Sidoo kale guddiga waxay heleen sawiro caddeymo ah oo muujinayaan bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay, waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalo ma dhigaayo in bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka labo qarxaan oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray  2-dii Maarso 2019.

24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qaraabadiisa xarunta ku taalo Hiis Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo gobolka Gedo ka tirsan.

15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Buulaay kana tirsan degmada Afmadooye ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay  jir dileen waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay.

27-dii Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay burburiyeen si ku tala gal ah xarun Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws –Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq, gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya wey beeniyeen ku lug lahaan ashkato oo ku aadan weerarada lagu qaaday xarumaha shirkadda Hormuud.

Dhinaca ciidamad Kenya waxay aad ula dagaalayaan Hormuud si ay u yareeyaan adeegsiga Shabaab u adeegsanayaan qaraxyada Mobile-ka lagu xariiriyo ee isgaarsiinta u baahan. Laakiin midaas cudur ma noqoneyso madaama dhibaato Bini,aadanimo, mid dhaqaale iyo mid hantiba ay ciidamada Kenyan-ka geesanayaan. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad Bini,aadinimo gudaha Soomaaliya looga fuliyo xili walbo.

Sidoo kale xawaaladaha dadka shacabka ah lacagaha isugu diraan iyadana dhibaato xoogan ayay kala kulmeen tan iyo markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here