Ururka Ahlu Sunna oo dowlada federalka ku eedeeyay inay colaad ka abuurayso Galmudug

sh Shaakir

War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Ahlusunna ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federalka ay ka wado abaabulka dagaal oo markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Qoraalkan ayaa waxaa loogaga hadlay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degen saaka inkastoo ay weli jirto xiisad ka dhalatay iska horimaad ka dhacay xalay magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here