Ururka Al-shabaab oo toogasho ku dilay oday lagu eedeeyay inuu guursaday gabar iyo hooyadeed

alshabab somalia

Al-shabaab  ayaa goob fagaare ku taalla deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose waxay ku toogteen oday 75 jir ah oo lagu magacaabi jiray, Abshir Maxamad Cabdi kaddib markii lagu eedeeyay inuu guursaday gabar iyo hooyadeed.

Odaygan ayaa la sheegay inuu xilliyo kala duwan kala guursaday, Caddeey Manuur Khaliif iyo Hooyadeed oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Biille, taasoo aan raad ku lahayn diinta Islaamka, waxaana maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah.

War laga soo saaray maxkamadda Al-shabaab ayaa waxaa lagu xusay inuu ninkan la dilay soo dacweeyay Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey, isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday uuna ka dhalay hal cunug, xilli uu horay u soo guursaday hooyadeed.

Sidoo kale, Xasan ayaa sheegay in Abshir uu gabadhooda la dhuuntay isla markaana uu kasoo mehersaday meel miyo ah iyadoo aysan jirin cid la ogeyd guurka gabadhan, balse  Abshir ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday balse aanu guursan hooyadeed.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in Abshir ay ku marqaati fureen tiro dad ah oo ay isku deegaan yihiin, sidaasna ay maxkamada ugu cadaatay in uu ruuxan ku dhacay fal aan ku bannaaneyn diinta Islaamka.

Ugu dambeyn Garsooraha maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegay in ansax ay yihiin markhaatiyada, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah kaasoo lagu fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here