Ururrada bulshada: Waa inaan khilaafka siyaasadeed loo rarin qabaa’ilka iyo hay’adaha dowladda

doorasho soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka taagan xiisadda siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta labada sano ah ee dhawaan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Sida wararku sheegayaan, waxaa magaalada ka socdo kulamo kala gaargaar ah. Waxaa ugu dambeeyay mid xalay dhexmaray qaar ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha iyo madaxda maamullada Hirshabeelle iyo galmudug.

Ilaa iyo haatan lama shaacin waxyaaba ay ka wada hadleen.

Dhanka kale ururrada bulshada rayidka ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda in ay xaaladda dejiyaan oo siyaasadda aysan saameyn ku yeelan qabaa’ilka iyo hay’adaha dowliga ah.

Guddoomiyaha Isutagga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya, Cusmaan Muxyadiin Shaatax, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in isbeddello badan ay ka muuqdaan gudaha magaalada, isla markaana go’aankii muddo kordhinta ee baarlamaanka uu weji kale u yeelay khilaafka siyaasadeed ee dalka.

“Dhowr mar oo horena waan ka dignay waana ka hadalnay, khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxda heer dowlad federaal iyo heer maamul-goboleedba waxaad mooddaa inuu saameyn ku yeelan karo meelo badan oo ay ka mid tahay in hay’adihii dowladda, ama bulshada laftigeeda uu kala qeybin karo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan ka digeynaa in aan khilaafka siyaasadeed loo rarin qabaa’ilka iyo hay’adaha dowladda. Waa in uu noqdo mid ku kooban siyaasiyiinta si xal loga gaaro.”

Guddoomiye Shaatax ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay la kulmaan dhinacyada is haya balse aysan u suurtogelin, ayna weli ku raad joogaan.

“Waxaad mooddaa in khilaafka hadda taagan uu yahay mid hore u soo jiray oo natiijadiisu ay muuqato, una baahna runtii feejignaan badan iyo in juhdi badan la geliyo sidii lagu badbaadin lahaa iyo in uusna dhicin gacan ka hadal sababa dhibaato badan oo dhinaca bani’aadannimada iyo in adeegyadii dowladda ay waddayna ay burburaan oo hay’adihii dowladdana ay saamyen ku yeeshaan khilaafaadka hadda sii weynaanaya.

“Waan ku raad joognaa (sidii aan ula kulmi lahayn dhinacyada) walow aad mooddo in khilaafka uu ku saleysan yahay aragtiyo shakhsiyadeed, taasna sida loo xalliyo ay adag tahay”, ayuu yiri.

Shaatax ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada ay iyaga uun isku koobeen xalka oo aysan ka qeyb gelin ururrada bulshada iyo cid kale oo gacan ka siin karta in is fahan meesha uu ka dhasho.

“Waxa ugu weyn ee aan mar kasta kala hadalno Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada waa in khilaafkan uu sababi karo dhibaato aysan iyaguna hadhow ka soo celin karin (dalka).”

“Runtiina Soomaaliya dowladnimadeeda waa mid hadda la dhisayo oo ma ahan dowlad dhisan oo la maamulayo. Mar haddii ay tahya dowlad la dhisaayana, lagama maarmayo wadahadal iyo isfaham in laga yeesho cilladaha iyo caqabadaha, mar walba way na dhegeysanayaan laakiin wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen haba yaraatee ma jirin,” ayuu yiri.

Shaatax ayaa digniin iyo baaq u diray siyaasiyiinta isku haya arrimaha Soomaaliya. “Waxaan ku baaqeynaa in dib la isugu soo laabto wada hadalladii ku aaddanaa arrimaha doorahsooyinka oo laga wada hadlo,” Ayuu yiri guddoomiye Shaatax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here