Villa Somalia oo soo saartay qoraal ku socda Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Villa Somalia2

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta farriin culus u dirtay madaxda Puntland iyo Jubaland, ayado ka dalbatay inay yimaadan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirweynaha uu shalay furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda mar kale ugu yeerayso Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa weli ku adkeysanaya in shirkii Muqdisho ee uu hore ugu baaqay, islamarkaana uu shalay furay ay soo xaadiraan madaxda ka maqan, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada, ayada oo xaalada caasimada ay cakiran tahay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ka deyrinaya xaalka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhamaadka toddobaadkii hore uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Dowladda federaalka oo hormuud ka yahay Farmaajo ayaa shalay furay shir ka dhacay Madaxtooyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyaga lagau tiriyo hogaamiyeyaal taabacsan madaxwyenaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha Puntland sheegay in arrimo la xiriira amniga uu uga baaqsaday tagitaanka Muqdisho, lamana oga sida ay uga jawaab celin doonaan maamuladan dhawaaqan cusub ee kasoo baxay Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here