VLADIMIR PUTIN IYO KIM JONG-UN OO BALANQAADAY ADKAYNTA XIRIIRKA LABADOODA DAL

Vladimir Putin iyo Kim Jong un

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ballan qaaday “in uu ballaarin doono xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya” Kuuriyada Waqooyi.

Warqad uu u diray dhiggiisa dalkaas, Kim Jong-un, oo uu ku aaddiyay xuska maalinta xoreynta Pyongyang, ayuu Putin ku sheegay in tallaabadan ay noqon doonto mid ay labada dalba dan ugu jirto.

Warqad jawaab ah ayuu Kim isagana dhankiisa ku sheegay in saaxiibtinnimada labada qaran ay soo billaabatay markii Japan looga guulaystay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxa uu intaas ku daray in “saaxiibtinnimadooda” ay sii xoogaysan doonto.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay xogta ku jirtay warqadaha ay isku direen madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Wakaaladda Wararka ee KCNA ayaa sheegtay in Kim uu u sheegay Putin in wadashaqaynta ka dhaxaysa Moscow iyo Pyongyang ay sii waynaan doonto.

Kim waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu sal adag ku yeeshay dagaalkii ka dhanaka ahaa Japan, uuna sii adkaanayay qarniba qarniga ka dambeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here