Waa 8 bilood jir hooyaddii ku dhimatay qaraxii excontrol isna dhaawac culus ah

M C Abuukar q excontrol3

Maxamed Cabdi Abuukar oo ah wiil yar oo 8 bilood jir ah ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ku dhaawacmay qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wiilkan yar ayaa hooyadii ka mid aheyd dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay, waxaana dhaawaca wiilkan oo xaalad miir-dabool ku jira la dhigay Isbitaalka Madiina.

Sawiro laga soo qaaday wiilkan yar ee dhaawaca ah oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa dad badan waxaa uu ku reebay uur-kutaalo iyo argagax.

Wiilkan yar ayaa waxaa Isbitaalka la joogta eedadiisa, waxaana uu ka mid ah dadka u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa kii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan 2019 sii dhammaanaya, sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu taariikhda dhanka khasaaraha uu kaga jiro qaraxii 3aad ee ugu khasaaraha badnaa ka dhaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here