Waa kuma duuliyaha gadooday ee ka soo dhex hadlay xabsiga Jabuuti

Fuaad Yuusuf Cali

Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.

Taariikhda Fu’aad oo kooban

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

  • Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
  • 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
  • 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa
  • 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay
  • Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay
  • Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya
  • 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti.

“Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay.

“Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.

Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: “Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa”.

Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan.

Bishii aynu soo dhaafay, qareen ay qoyskiisa u xilsaareen ayaa helay fursad uu ku booqdo xabsiga Gabood, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo markii si khasab loogu celiyay Jabuuti, sida ay werisay warbaahinta RFI.

Soo musaafurinta khasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanaya qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayaan in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa.

Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday.

Dibadbaxyada lagu dalbanayo sii deynta Fu’aad

Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa maanta deggan ka dib markii ay shalay halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caraysan askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dalka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti.

Wararka waxay sheegayaan in booliska ay tiro dad ah u qabqabateen inay banaanbaxyadaas mas’uul ka ahaayeen, “waxaana qaar ka mid ah dadkaas lagala baxay guryahooda, waxaana loo kaxeeyay meel magaalada ka baxsan oo xero ciidan ah oo la yiraahdo Nagaad,” sida ay BBC u xaqiijiyeen dad ku sugan Jabuuti.

“Shalay iyo xalay waxaa dhacay mudaaharaadyo foolxun oo dhibaato geystay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

Wuxuu intaa ku daray: “Dadweynaha waxaan ogeysiinayaa in marka mudaaharaad la sameynayo, dariiqyo loo maro uu leeyahay. Ruqsad baa la weydiistaa, dariiqaa baan marayaa baa la yiraahdaa, halkaa baan gaarayaa baa la yadhaa”.

.

Wasiirka ayaa isu soo baxyadii shalay ku tilmaamay “kuwa aan sharciyeysnayn oo dad badan ay wax ku waayeen”.

Wuxuu tilmaamay in ay jiraan gawaari la jejebiyay iyo tukaanno la bililiqeystay.

“Dadweynaha waxaan uga digeynaa in mudaaharaadyada ceynkaas oo kale ah aysan dib ugu noqon”, ayuu u diray dadka.

Maanta waxaa qeyb ka mid ah magaalada Jabuuti lagu arkayay booliska ka hortaga rabshadaha si ay amniga u sugaan.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin arrintan balse wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa shaley bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dambi ay tahay oo lagu ciqaabo karo ciddii ku dhawaaqda kacdoon ama rabshado inay waddanka ka sameyso.

Wuxuu intaas ku daray “Dowladda ayaa mas’uul ka ah amarka iyo kala dambeynta, waxayna xaqiijin doontaa in la xushmeeyo sharciga”.

“Cid kasta oo sharciga ku xadgudubta waala soo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa”, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

Ma uusan soo hadal qaadin xarigga Fu’aad Yuusf Cali iyo waxa ay ka yeelayaan xaaladdiisa.

Waxaa jiro warar sheegaya in dowladda Jibuuti ay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay.

Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada.

Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran.

Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xaley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay.

Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here