Waa maxay sababta uu Wasiir Jamaal uga baaqday shirweynaha Puntland?

wqdfs jamaal

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland ee lagu wado inuu maanta ka furmo magaalada Garoowe.

Ilo lagu kalsoonaan karo, oo wasiirka ku dhow, ayaa sheegaya in dhowr sababood ay keeneen in Wasiir Jamaal uu ka biya-diido Shirweynaha isla markaana ka tanaasulo ka qayb-galkiisa oo dadka badankiisu ay aad u hadal hayeen.

Sababta kowaad ee uu Wasiir Jamaal uga baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa salka ku haysa ujeeddada shirkan laga leeyahay iyo wakhtiga uu ku soo aaday oo ay dadka badankiisu u arkaan mid looga dan leeyahay in lagu mucaarado, culaysna lagu saaro Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiir Jamaal ka tirsan yahay.

Sababta labaad ee keentay in Wasiirku ka baaqdo Shirweynahan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii Wasiir Jamaal oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya uu la tashaday bulshada deegaanka uu metalo, iyaga oo Wasiirka kula taliyey inaanu aqbalin martiqaadka shirkaas oo aannu ka qaybgelin maadaama ay jiraan cabashooyin badan oo dadka deegaanku ka qabaan Maamulka Puntland iyo meesha wax loo wado.

Ugu danbayntii, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, Wasiir Jamaal ayaa la sheegay inuu shirka ka baaqday ka dib markii uu ku dooday inaanu diyaar u ahayn inuu goobjoog ka ahaado madal,  sida uu rumeysan yahay “lagu kala fogaynayo shacabka Soomaaliyeed oo wakhtigan baahi weyn u qaba midnimo, dowladnimo iyo isu soo dhawayn.”

Shirka Garoowe, ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ku baaqay kadib markii uu ka carrooday dowladda dhexe, oo uu ku eedeyey “inay dagaal ku hayso maamul goboleedyada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here