Waa tuma haweenayda ay geerideeda ka murugeysan yihiin Jilayaasha hindiya

Saroj Khan

Saroj Khan, oo ahayd mid ka mid ah dadka qoob ka ciyaarka sameeya ee ugu caansan dalka Hindiya, ayaa geeriyootay iyadoo ay da’deedu tahay 71 sano.

Khan waxay lahad xirfad cajiib ah oo socotay muddo 40 sano ah, waxayna sidoo kale ahayd macallimaddii qoob ka ciyaarka soo bartay inta badan jilayaasha shirkadda Bollywood-ka ee Hindiya.

Shaqadeeda waxay ka dhex muuqan jirtay heesasha ugu caansan ee lagu soo qaato filimo badan oo qoob ka ciyaar leh.

Waxay xirfaddeeda soo idlaatay sannadihii 1980-meeyadii, xilligaasoo ay billowday inay tababarto jilayaasha waxayna soo saartay atariishooyin ciyaartooda laga daba dhacay, oo ay ku jiraan atariishooyinka ugu caansan Hindiya ee Madhuri Dixit iyo Sridevi.

Madhuuri iyo Sridevi
Qoraalka sawirka,Madhuuri iyo Sridevi

Khan waxay geeriyootay kaddib markii uu wadnaha istaagay iyadoo ku sugneyd isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai, sida ay soo tabiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Waxaa isbitaalka la dhigay bishii lasoo dhaafay, markaasoo ay ka cabaneysay inay neefsashada ku adag tahay.

Horay waxaa looga baaray cudurka Covid-19, balse waa laga waayay sida ay ku warrameen warbaahinta Hindiya.

Jilayaashii ay macallimadda u ahayd ayaa baraha bulshada ugu tartamaya tacsideeda.

Wiil ay habaryar u tahay, oo lagu magacaabo Manish Jagwani, ayaa geerideeda u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee PTI.

Saroj Khan iyo Madhuri
Qoraalka sawirka, Saroj Khan iyo Madhuri

Saroj Khan oo dhalatay sanadkii 1948-kii waxay shaqada filimada ku biirtay iyadoo carruur ah.

1950-meeyadii, Khan waxay ku biirtay kooxda qoob ka ciyaarka u sameysa atariishooyinka, waxayna kasoo muuqatay filimada uu ka midka yahay Bimal Roy’s Madhumati.

Waxaa filimkaas kusoo daray hagaha lagu magacaabo B Sohanlal, oo markii dambena guursaday.

Halkaas wixii ka billowday, Khan waxay qoob ka ciyaarka filimada u sameyneysay ilaa laga gaaray sanadkii 1974-kii, filimkii ay kusoo gabagabeysayna wuxuu ahaa Geeta Mera Naam.

1980-meeyadii, Khan waxay noqotay qof magaceeda uu si weyn usoo shaac baxay kaddib markii ay billowday inay la shaqeyso jilayaasha Bollywood-ka ee ay ka midka yihiin Sridevi Kapoor iyo Madhuri Dixit, kuwaasoo qoob ka ciyaarkooda loogu jecel yahay heesaha.

Shirkadda Bollywood-ka ayaa tacsideeda soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Presentational white space

Jilayaal badan iyo hagayaasha filimada, oo ay ka mid yihiin Akshay Kumar iyo Kunal Kohli, ayaa uga mahad celinaya kaalintii ay kasoo ciyaartay madadaalada.

Aaskeeda wuxuu maanta ka dhacay isla magaalada Mumbai, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee PTI.

Waxay ka tagtay wiil iyo gabar ay dhashay oo lagu kala magacaabo Raju iyo Sukaina Khan.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here