Waa tuma ra’isal wasaaraha dunida ugu yar ee Findland dooratay

finland pm Sanna Marin

Sanna Marin oo 34 jir ah ayaa loo doortay in ay noqoto ra’isal wasaaraha Finland, waxaanay sidaa ku noqonaysaa ra’isal wasaaraha ugu da’da yar dunida.

Xisbiga Social Democratic ayaa Marin oo haatan ahayd wasiirka gaadiidka u doortay in ay noqoto ra’isal wasaaraha dalkaas ka dibmarkii uu is casilay ra’isal wasaare Antti Rinne waxaana xafiiska loo dhaarin doonaa todobaadkan.

Waxa ay hogaamin doontaa xukuumad wadaag ah, siyaasadeedu bidix dhexe tahay oo ka kooban shan xisbi oo ay shantaba dumar madax ka yihiin.

Ra’isal wasaare Antti Rinne wuxu xilka iska casilay ka dib markii ay xisbiyada isbahaysigu kalsoonida kala noqdeen ee ay ku qoonsadeen sidii uu u maareeyey xiisaddii shaqo joojinta shaqaalaha boosta.

Marka ay hogaanka qabato Sanna Marin waxay sidaa ku noqon doonaa ra’isal wasaaraha dunida igu da’da yar, maadaama ra’isal wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern haatan da’deedu tahay 39 jir halka ra’isal wasaaraha Ukraine, Oleksiy Honcharuk, isna yahay 35 jir.

Xukuumadda cusub ee Finland xisbiyada ya ka koobantahay dhamaantood haween baa u madax ahr
Xukuumadda cusub ee Finland xisbiyada ya ka koobantahay dhamaantood haween baa u madax ah

Marin oo cod aan badnayn ku guulaystahay ayaa tidhi “waxa noo taal hawl badan oo ay tahay in aan kasoonidii [shacabka] kula soo noqon”.

Waxa ay dhegaha ka furaysatay su’aalo badan oo laga keenay da’deeda waxaanay tidhi “weligay da’dayda iyo lab ama dheddig ka aan ahay kama fikirin, laakiin waxa aan had iyo goor ka fikiraa waa sababihii igu dhaliyey in aan siyaasadda galo ee ay ka mid ka yihiin arimaha aan ku kasbannay kalsoonida cod bixiyeyaasha”.

Sanna Marin waxay noqonaysaa haweenaydii saddexaad ee dalkaa Woqooyiga Yurub ku yaal ra’isal wasaare ka noqota. Waxaanay ra’yi ururintii ugu dambaysay ee la sameeyey doorashadii baarlamanka ee dhacday bishii Abriil ee sannadkani muujisay in xisbiga Social Democtratic ka codad badanayey xisbiyada kale, waana sababta xisbigaasi u helay fursadda ah inuu isagu xilka ra’isal wasaarenimo qabto.

Sida ay baahisay warbaahinta Finland, Marin waxay ka dhalatay qoys dan yar ah oo waxay la noolayd hooyadeed waana qofkii ugu horreeyey qoyskeeda ee jaamacad gala.

Dalka Findland waxa uu haatan hayaa madaxtinimada loo kaltamo ee Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here