Waare: Diyaaradii labada Madaxweyne qaaday waan la xisaab tameynaa

madaxweyne waare

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisbaatami doonaan Shirkadda leh diyaaraddii maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo ku eedeeyay inay sameysay mas’uuliyad darro, ayna qaadatay riski sida uu yiri.

Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xalay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu ku wargeliyey Safarka labada Madaxweyne, balse ay jireen in qeyb kamid ah Garoonka Baladwyene ay biyo yaalleen.

Waare ayaa sheegay in saaka 6-dii subaxnimo lala wadaagay in garoonka aan lagu degi karin, maadaama 600mitir oo dhulka diyaaradaha ku degaan uu biyo dhigay roobab xalay da’ay, isla markaana aysan diyaaradaha ku degi karin, gaar ahaan diyaaradaha nooca Focker 50 oo ah mida qaaday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada, sida UN-Ka iyo AMISOM ay  ku wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin, isla markaana uu hadalkaasi la wadaagay Xasan Sheekh Maxamuud laakin uu ugu jawaabay hadal aan wanaagsaneyn.

“Go’aanka diyaaradaha dhulka duuliyaha ma lahan waxa is la keh hey’adaha u xil saaran oo ka warami karo shirkadaas leh diyaaradaha waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada waqtigeeda kala xaali doonaan waana la xisaabtami doonaa” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne.

Waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegayay in Dowladda Federaalka u diiday wafdiga Madaxweyayaashii hore ee Soomaaliya iyo in Maamulka Hir-Shabeelle uu Garoonka Baladweyne u diieen inay diyaaradii sidey ka degaan Garoonka Baladweyne.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Shirkadda leh diyaaradii fulin weysay amarka ee qaaday wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee geysay Magaalada Baladweyne, isaga sheegay inay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here