WAARE: Doorasho uma soo jeedno illaa uu Coronavirus dhinac noo dhaafo

madaxweyne waare

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi oo uu cabsi xoog leh ku abuuray cudurka Coronavirus, kadib markii uu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda HirShabelle, marxuum Khaliif Muumin.

Waare ayaa wareysigaan ku sheegay in cudurka uu saameyn ku yeeshay howlaha guud ee maamulkaasi, islamarkaana la joojiyey kulamadii golaha wasiirada iyo baarlamaanka.

“Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashada maamulkaasi oo fooda nagu soo haya ayaa sheegay in illaa xaaladda Corona dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”. ayuu markale yiri.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xaalad karantiil ah Madaxweyne Waare iyo dhammaan xubnaha kale ee maamulkiisa, kadib geeridii ku timid Wasiir Khaliif oo Axadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka faafa ee Coronavirus.

Xaaladda COVID19 ee Soomaaliya ayaa haatan ka sii dareysa, iyadoona kiisaskii ugu badnaa cudurka ay shalay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here