Wadahadalladii Masar iyo Itoobiya ee Nile oo fashilmay

webiga nile

Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in wada-xaajoodyo toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Washington ay ku guul-darreysteen inay xaliyaan muranka muddada fog kala dhaxeeya Masar ee salka ku haya biyo-xireenka Nile.

Kulanka oo socday laba maalmood ayaa ahaa wareegii ugu dambeeyey wada-hadallo ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo soo farogelisay murankan kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu la hadlay madaxweyne Trump, oo ay xulufo dhow yihiin.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenku uu noqon doono warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha, uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo Itoobiya.

Fitsum Arega, oo ah safiirka Itoobiya ee Mareykanka, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in wadahadallada ay dhamaadeen ayada oo aan la gaarin heshiis kama dambeys ah.

Wasiirka biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa sidoo kale twitter ku sheegay in horumar la sameeyey hase yeeshee loo baahan yahay “shaqo dheeri ah” si heshiis loo gaaro dhammaadka bishan, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay dhinacyada qabsadeen.

Saleshi ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradaha biyaha iyo arrimaha dibedda Itoobiya ay “wadatashiyo qaran yeelan doonaan maalmaha soo socda.”

Warbaahinta ku xiran dowladda Itoobiya ee FANA ayaa sheegtay in qodobka la isku mari waayey wadahadalladii ugu dambeeyey uu yahay heerka la buuxinayo biyo xireenka oo qaadi kara 74 bilyan oo kubik meter oo biyo ah.

Masar ayaa ka cabsi qabta in Itoobiya ay si deg deg ah u buuxin doonto biyo-xireenka, taasi oo yareyn doonta biyaha soo gaara dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here