Wadahadallo u billowday Qatar iyo Saudi Arabia iyo dowlada Qatar oo shaacisay mowqifkeeda

WAD Qadar M bin Abdulrahman al Thani

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qadar Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhaxeeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Qadar kadib xayiraadii ay laba sano ka hor Riyadh saartay Dooxa.

Wasiir Mohammed oo ka hadlayay Shirkii Arrimaha Siyaasadda Dibadda ee ka dhacay magaalada Rome ayaa sheegay inay rajeenayaan in wadahadalaas ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.

“Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri .

Sida ay baahisay Al-Jazeera, Al-Thani ayaa sheegay in shirar dhowr ah ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo Qatar, ayna ka dhaceen meelo kala duwan, wuxuuna ka gaasbaday inuu ka hadlo waxyaabihii laga wada hadlayey.

Al-Thani ayaa sheegay inaan marnaba laga wada hadli doonin 13 qodob oo ay Sacuudiga ku xujeysay inay sameyso Qadar si looga qaado xayiraadii saarneyd, waxaana kamid ahaa qodobadaas in la xiro warbaahinta faca weyn ee Al-Jazeera.

Wuxuu si cad u sheegay in siyaasadda Diblomaasiyadeed ee wadankiisa uu yahay inay Qadar leedahay siyaasad ay u badax banaan tahay isla markaasna aysan cidna kala xaajooneyn arrimaheeda gudaha.

Wasiirka ayaa sheegay in wadahadaladaas uu garwadeyn ka yahay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah, uuna uga mahadcelinayo doorka fiican oo uu ka qaadanayo in la xaliyo khilaafka ka dhex taagan Dowladaha Khaliijka.

Bishii Juun 2017 ayey aheyd markii Dowladaha Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen Dowladda Qadar.

Xayiraadda la saaray Qatar ayaa isugu jirtay xayiraad dhul, cirka iyo badda ah, iyagoo ku eedeynaya inay taageeraan argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here