Wadamada Ruushka iyo Soomaaliya oo heshiis ku gaaray Paris

kheyre iyo sergey levrov

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Paris oo uu ka socdo shirka Madasha Nabadda kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov.

Kheyre iyo Levrov ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inay labada dal mideeyaan qaabka ay u wajahayaan la dagaalanka aragixisada caalamiga ah, sidaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Ruushka.

“Moscow iyo Muqdisho waxa ay xaqiijiyeen inay si wadajir ah u dheereeyeen wada-hadalladooda siyaasadeed iskuna xiraan siyaasadda arrimaha dibedda ee masraxyada caalamiga, oo ay ka mid tahay la dagaalanaka argagixsada.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Lavrov ayaa muujiyey sida uu u taageersan yahay howlgalka nabadda ee Midowga Afrika uu ka wado, Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lasii wado dadaallada nabad waarto loogu soo dabbaalayo Soomaaliya.

Xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli wax war ah kama soo saarin kulankan ka dhacay magaalada Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here